You are currently browsing the daily archive for August 10th, 2007.
(Dhagayso Barnaamij Maqal ah) |
|
BOOSAASO: Hadal heynta ugu badan magaalada Boosaaso ayaa maalmahanba waxaa ugu mug iyo miisaan weynaa arimaha dhisida Maamula lamagacbaxay Maakhir State oo hoos imandoono Dowlada Federaalka. Waxaa barnaamijka iskugu kiin soo daba riday wariyahayaga qaaska ah ee kusugan magaalada Boosaaso Maxamed Axmed Ciise. Barnaamijkii aragtida reer Boosaaso nala wadaaga:
|
Dhahar:- Maanta ayaa waxaa Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag baaq kasoo saarey Golaha Deegaanka ee Degmadaas iyagoo sheegey iney maanta wixii ka danbeeya ay hoos imanayaan Maamul Goboleedka Maakhir State of Somalia iyadoo ay si toos ahna uga soo goosteen maamul goboleedka Puntland oo hore usoo dhistey golahaas.
Radio Laasqoray ayaa waxay wareysatey xubin ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Degmada Dhahar oo lagu magcaabo Mudane Saciid Maxamed Hoori.








