
Kuwait : Xogahaya Warfaafinta ee Maamul Goboleedka Maakhir ee Soomaaliyeed Inj.C/rasaaq Cali Maxamed oo ku sugan dalka Kuweit ayaa warqad qoraal ah oo aan ka hellay wuxu ugu hanbalyeynayaa dhammaan shacabka reer Maakhir meelkasta oo ay joogaan , waxayna u qornayd sidan : Assalaamu calaykum
Ciid Mubaarak meel aad joogtaanba
Ku: Bahda saxaafadda Maakhir State
Aniga oo ku hadlaya magaca Maamul goboleedka Maakhir, kana mid ah Wasaaradda Warfaafinta Maamul Gobeleedka Maakhir, kuna hadlaya magaca shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Maakhir iyo magacaygaba ,waxaan tahniyad u dirayaa dhammaan shacabka soomaaliyeed meel ay joogaanba gaar ahaan shacabka reer Maakhir munaasabadda CIID AL FIDRIGA sanadka 1428H, waxan u rajaynayaa ummadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Shacabka Reer Maakhir nabadgelyo, midnimo, horumar iyo in ilaahay danohooda iyo maslaxadda dalkooda tuso.
Xoghayaha Wasaaradda Warfaafinta Maakhir State Somalia Inj.C/rasaaq Cali Maxamed
dahabkwb@gmail.com |Dhahar.com









No comments yet
Comments feed for this article