
Ali Maxamed Geeddi ayaa u amba baxay Addis Ababa, dooddii baarlamaankana dib ayaa loo dhigay.
![]() |
|
| Geeddi waxaa khilaaf weyn u dhaxeeyaa isaga iyo madaxweynaha |
Raiisal Wasaaraha Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, ayaa looga yeeray Addis Ababa, dooddii baarlamaanka ee ku saabsanayd mustaqbalka xilkiisana, waa la joojiyay.
Arrintani waxay ka dambeysay markii khilaaf weyni uu soo kala dhex galay Madaxweynaha, Cabdullaahi Yusuf iyo Raiisal Wasaaraha Cali Maxamed Geeddi.
Baarlamaanka ayaa u kala jabay laba dhinac oo labada mas’uul kala taageeraya.
Labada nin waxaa mid walba ku adag in uu baarlamaanka ka helo 139 cod oo looga baahan yahay in uu tiisa ku meel mariyo.
Sidaa darteed waxaa dhinac waliba ka dhowrsaday in uu keeno bareere uu doonayo in uu kan kale kaga adkaado.
Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shiikh Adan Maxamed Nuur, ayaa ku tilmaamay in Raiisal Wasaaruhu uu wadahadal la soo yeelan doono hawlwadeenka Midowga Afrika iyo Madaxda dowladda Ethiopia.
Hadda ka hor mar ay xaaladdu heerkan ku soo dhowaatay, waxaa xallisay dowladda Ethiopia oo Wasiir ka mid ahi uu Baydhaba kula shiray labada mas’uul iyo Guddoomiyihii baarlamaanka ee xilligaas.
Hadda arrintu waxay u muuqataa in labada dhinac ay ku adag tahay in ay dib u wada shaqeeyaan.
Sidaa darteed, waxay u eg tahay in Ethiopia aanay u sahlnanaan doonin in ay is afagard ku xalliso khilaafkan.
Laakiin waxaan shaki ku jirin in maaddaama dowladda oo dhami ay ku tiirsan tahay ciidammada Ethiopia oo u qabtay caasimdda iyo gobollo kale oo badan, in aan taladeedu noqon karin mid ay fududeystaan Madaxda dowladdu.
BBCSomali.com


Halkan dhageyso warbixinta







No comments yet
Comments feed for this article