You are currently browsing the daily archive for October 18th, 2007.
Ciidamada Puntland ayaa waxay maanta weerar ku qaadeen dhalinyaro joogtey guri ka mid ah guryaha Xaafada Laanta hawada iyagoo markii laga adkaaday booliiskii ay doonteen madaafiicda waaweyn kuwaasoo ku garaacay guryihii halkaas ku yaalay Read the rest of this entry »
Bosaaso:- Dagaal aad u qadhaadha ayaa Salaadii duhur ka gadaal ka qarxay Xaafad ka mid xaafadaha magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari,dagaal kaas ayaa waxa uu u dhexeeyaa Kooxo dhalin yaro ah oo ka soo Jeeda Gobolka Sanaag,iyo Ciidanaka Booliska ee magaalada Bosaaso,Dagaalkaas ayaa sababay dhimasho 4-Askari iyo hal Ruux oo rayida oo ay haleeshay xabad wiifta ahi. Read the rest of this entry »
Faaladan waxaa igu kalifey inaan qoro in Cade Muuse oo Reer Maakhir hiil weydiistey iyadoo wasiirkiisa xanaanada Xoolaha uu kusoo wajahan yahay Xero Maakhir, taasina ay dhalisey in xiisad cusub oo aan looga baahneyn Maakhir. Read the rest of this entry »

Waxaa maanta oo ah OC/18/07 magaalada RAB oo ilaa 20KM u jirta xarunta maamul goboleedka Maakhir State of somali ee badhan kadhacay iska hor imaad u dhexeeya laba beelood oo halkaa wada dega ilaa labo ruux ayaa ku geeriyooday midkalena waa ku dhaawacacmay. Read the rest of this entry »
Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha DGPL Gen Cadde Muuse Xirsi iyo Madaxweyne ku xigeenka
DGPL Puntland Xasan Daahir Maxamuud ayaa gaaray fariisimaha Ciidanka Daraawiishta ee Puntlland oo dhawaan laga qab saday Magaalada Laascaano iyagoo wafdigaan ay kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Puntlland iyo weliba Garaad Saleebaan Garaad Maxamed. Read the rest of this entry »








