Faalo:- 18 Oct 2007 dhacdadii ka dhacday Magaalada Bosaso, Xaafadda Raf iyo Raaxo. Ma akhri oo dhaaf baa? Ma maqal oo ka gudub baa? Miyaaney mudnayn in taariikhda meel aad u muuqata lagaga qoro? si looga waantoobo in ay iyada oo kale mar kale dhacdo.
Miyaanay noqon karin tijaabo loola dan lahaa bal hadda inta uu leégyahay dareenka warsangeli iyo in ay sharaftooda difaaci karaan?
Waa wax dhici kara in ay dembiilayaal yihiin inamada la laayey ama la xirxiray, dadkuna dembiga waa galaa, maamul kastaana xaq waxa uu u leeyahay in uu iska qabto wixii nabadgelyadiisa wax u dhimaya.
Laakiin maamulka cilmiga ku dhisan, maskaxda fiyow lagu hogaamiyaa, nin oday ahi masúul u yahay, yaqaan xuquuqda muwaadinka, yaqaan xeerarka dhaqanka, ma sidaas buu wax u maareeyaa?
Wax ay taariikhdu xustaa in C/laahi yuusuf sanadihii uu P/land xukumi jirey ay dhici jireen isku dhac beeleed, falal amniga wax u dhimaya, dad la laayo dad la dhaco, laakiin C/laahi yuusuf wuxuu u maarayn jirey si guurtinimo ah oo adynimo ah wixii caqab noqda oo laga baqo in hadii xoog lagu muquuniyo keeni kara isku dhac beeleed wuxuu u diri jirey odayaasha dhaqanka oo saacado gudohood ku xallin jirey.
Suáasha maanta jawaabta u baahani waxa ay tahay, Ninka Dhagartan soo maleegay ee ka odayeeyey amarna ku bixiyey in dad rayad ah guryohoodii lagu duugo oo madaafiic lala beegsado, muxuu uga dan lahaa?. xal kale miyuu waayey?
1. Ma waxay jawaab u ahayd guuldaradii Cadde muuse ka raacday Laascaanood, oo wuxuu warsangeli ka uriyey S/land nimo?
Ala ha u naxariistee Abwaankii Khaliif Sh.Maxamuud waxa laga hayaa:
Shabeelkii intuu maqasha dhalay meel dayacan seexshey,
Geelu maray ee hadana ari mag weydiistey,
Is mutuxinta maagaaga waa lagu maleeyaaye.
Caddow Warsangeli maaha isaaq mana aha Somali Land mana aha kuwii kaa soo eryaday Laascaanood!!!!!!!!!!!!
Mise waxay jawaab u ahayd oo aanu Cadde weli Ilaawin iska caabigii kaga horyimid Mijayahan markii ay dadkii lahaa uga dhaarteen in uu xado macdanta ku aasan?
Mise waxay daba joogtaa aar goosi ku salaysan Arrin dhacday 200 sano ka hor oo ahayd tii uu Aw muuse ka gabyi jirey ee dhex martay labada reer ee walaalaha ah oo wax garadku iminka iskaba ilaaween laakiin wax magaradku ay weli ku taamayaan caruurtoodana uga sheekeeyaan?
Mise wuxuu maqlay siyaad Barre oo dawlad xoog leh ahaa wixii ka hor yimaada waa xasuuqi jirey oo Badda ayuu ku guri jirey , markaa si aad derejadiisii oo kale u gaartid carruurta iyo dumarka baasuuke la dhac? tala xumo iga dheh.
Mise waxa uu Televisonka ka daawaday dawlado xoog leh oo umada kale caburinaya, sidaana u haysta in ay sharaf ku muteen , sida Israil ay gelayso Falastin ama USA uu gelayo Iraq ama sida ay Ethiopia u gelayso shacabka reer Muqdisho
Isku soo wada duuboo, Marna meesha kuma jirto in ay dhacdadani keenayso tuhun kala dhex gala labada beelood ee walaalaha ah ee Majeerteen iyo Warsangeli, wayna khaldan tahay ciddii dusha ka saarta majeerteen khaladkii uu maamulka P/land ka geystey Raf iyo Raaxo,
Shacabka Warsangelina waa ogyahay sida ay beesha Majeerteen uga xumaadeen khaldkaa loo geystey walaalohood. Waxan u arkaa arrin ku kooban Cadde muuse iyo taliyayaashiisa ciidanka (maxaan cunaa).
Waxan ugu baaqayaa odayaasha beelaha Harti, Majeerteen, Warsangeli, Dhulbahante, Dishiishe iyo Liban Geshe in ay si fiican u eegaan una xalliyaan dareenka weyn ee isa soo taraya oo ah colaadda uu maamulka Cadde muuse u hayo Beesha Warsangeli.
Iyo sumcad xumada uu rabo in uu caalamka ka dhaadhiciyo ama ku iibsado sharafta Maxmuud Harti, isagoo adeegsanaya magaca ARGAGIXISO oo aanu micneheeda garanayn haddii la weydiiyo.
Kooxda u talisa P/land waxan leenahay, arrinta labo u kala saara.
La xisaabtanka ciddii dembi idinka gashay xaq baad u leedihiin idinkoo u maraya dhinaca qaanuunka iyo sharciga, idinkoo aan cidna ku xad gudbayn.
In aad aplogy ( cudur daar) iyo xaal marin ka bixisaan wixii aad idaacadaha ka sheegteen ee ahaa been abuurka iyo magacyada aad dadka walaalihiin ah ku shaabadaynaysaan oo ay hubaal tahay in ay idinka idinku soo noqon doonto haddii aydaan joojin.
A A Maxamed.









10 comments
Comments feed for this article
April 12, 2008 at 5:20 pm
axmed jeego
waxaan ahaan jiray ciyaal qudus waxayna salka kuhaysaa dhalintaas qabiil gaar ahaan waxaa waagaan ahaan jiray2002 qarashka qabi jiray taliyaha uur xaad iyo taliyaha xaaji bakin waxayna kusalaysantahay hadba ninkii loodiido jago ayaa biili jiray hadba meel udirijiray ciyaalkaasna waa gaan aqaanay waxay xarun kulahaayeen buur looyaqaan kala reebta waxayna kaxigtaa xaafada qorax kasoo bax waxii warbixin ah waan kahelaa maadaama aan kamid ahaan jiray ilaahna iga sooo hanuuniyay waxii dheer na waxaa igalasoo xiriirtaa0096896749844 waxaana kunooolahay oman
August 13, 2008 at 4:37 pm
axmed maxamed xasan ganey jeego
magacaygu waa axmed jeego waxaan baafinayaa caasho niinow iyo dhamaan ilma dhiinow reer kismaayood ah fadlan hadey arkaan qoraalkayga ha igala soo xiriiraan jeeggo_24@hotmail.com
August 13, 2008 at 4:49 pm
axmed jeego cumaan
cade muuse xir si waa siyaasad xunyahay waxaana utaliya cismaan maxamuud gaar ahaan bahdir haduusan tolkii latashan xaalku sida waa dhaami lahaa lacagta faalsada ahna waxa kadanbeeya beelaha ugu waawayn bari calisaleebaan cismaan maxamuud waxayna aad usaamaynaysaa reer miyiga sababta oo ah lacag faalso ah ayaa ariga looga gadanayaa kadibna doolar lagu bedelanayaa reer miyigana soomaali oodhanm ayaa kutiirsan fadlan reermiyiga waxaan ogeysiinayaa iney dollar maahee waxkale wax siisan qofkii akhriyoow gaarsii axmed jeego waa nin kamida beelaha gobolka bari aad ayaana udareemayaa wadankii puntland sida halaga daayo cadowgeena duleed iyo mid daakhilba waa kufarxaayaan wadan kale malihine wadanka sida halagadaayio plz waa codsi nin wadani ah axmed jeego
November 7, 2008 at 5:12 pm
taliyaha ciidanka booliska puntland w
nin layiraah axmed jeego fadlan qofkii arkaa ha lasoo xiriiro tell 727272 waa danbiile waxaana lagu eedeenayaa ururka alshabaab
November 7, 2008 at 5:15 pm
taliyaha ciidanka booliska puntland w
waxaana uu udhashay boosaaso gaar ahaan xaafada raf iyo raaxo waa nin latuhun sanyahay waxaan ka codsanayaa maakhir.com inay gaarsiiyo dhamaan saxaafadaha mahadsanidiin
November 10, 2008 at 5:39 pm
naaa siir
war warsangeli mawaydan iloobayn arintaaa mise waa sheeka dhega libaax
November 10, 2008 at 5:40 pm
naaa siir
nimanka cismaan maxamuud waqtigoodii waa dhamaaday markan waa ciise maxamuud warsengeli wax ba loo dhiiban maayo yur
July 2, 2009 at 5:32 pm
axmed jeego
da,yarta diinta udagaalamaya
dadkoodaa usababa
dameeraha raacijiray
duruus aan udareerin
diintana niyada ka jecel
docda kale xisbiga
diinta ku doodaya
danbi ayay wadanka
dabaalsiinayaan xumaan
diintana dadkay kudiraan
dadaalkooda waa darajo
iyo dowlad ay madax kayihiin
diin iyo dowladnimo
waa doolada dalkeena
kadaaya dagaalka
qore abwaan jeegonaga
July 2, 2009 at 5:33 pm
axmed jeego
fadlan gabayada silsilada ah ila soo socodsiiya aan ka qaybgalo ok mahadsanidiin
September 19, 2009 at 8:39 pm
maxamed cawil dalmar
walaal ila soo xariir waxaan kaaga baahanahay arimo ku saabsan dhacdooyinkii ka dhacay magaalada boosaaso walaalka muslimka ahaw ila soo xariir wxaan hada ku suganahay dalka sudan ayaan wax ka bartaa