
Badhan:- Wararka naga soo gaarey xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa waxay tibaaxayaan in Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante Garaad Jamaca Garaad Cali uu ku wajahan yahay magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn si uga qeyb qato shir beeleed laga abaabulayo inuu ka qabsooma Buuhoodle.
Garaadka ayaa qorsheenayaa inuu Laascaanood ka anba baxo maalmaha fooda inagu soo haya xaga qaar warbaahinta ka mid ahi ay sheegeen inuu ka anbabaxayo maalinta Berito ah.
Wax garadka Gobolka Sool ayaa in dhoweydba ku hawlanaa wax ka qabadka mashaqadii Laascaanood kadib markii ay ku dagaalameen Maamulada Somaliland iyo Puntland oo kadibna uu maamulka Somaliland la wareegey gacan ku haynta magaaladaas.
Wax garadka ayaa dhowr baaq kasoo saarey in colaada Gobolka Sool la joojiyo iyadoo la eegayo danta shacabka reer Sool oo aan lagu bilaabin qax iyo jab soo food saara.
Bartamaha Sanadkan ayaa Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante waxa uu ku baaqey in shirweyne ay beeshu isugu timaado taas oo lagu falan qeynayo aayaha beesha Saciid Harti.
Magaalada Buuhoodle ayaa hada shirkaas loo xawiley iyadoo markii hore qorshuhu ahaa in caasimada laga dhigo shirka beesha laakiinse ay hada noqotey goob dagaal.
Warar kale oo ka imanaya xarunta Cayne ee Buuhoodle ayaa waxay sheegayaan in magaaladu si weyn isugu diyaarisey shirka beesha iyadoo ay la ciir ciireyso horudhaca wufuuda beesha oo kakala yimi dibada iyo gudahaba.
LaasqorayNET/Badhan









9 comments
Comments feed for this article
July 10, 2008 at 10:06 am
cali cumar jaamac wadaad
dhubahante waa daraawiish waxay xaq uleeyihiin lasiiyo boqor tooyada soomaalia taariikhwalbana lagu xuso dhiigii daraawiishta ee dalka owgii udaatay laascaanood lagadhigo magaalo muqadas ah aan sharafteeda dalagu cayaaarin
salaaaam
August 27, 2008 at 4:39 pm
hassan,abdi,ahmed.garjeex
aniga oo ah nin dhaliin yara ah oo asal ahaan ka soojeeda beesha dhulbahante waxaan jeclaan lahaa inan waxyar ka idhaahdo dhul bahante xaalkiisa maan ta waxaan leeyahay dhulbahantow tashada ooo waxaad noqotaan dad tashada oon la,is ku dulqabsan walalla yaal dhulka beesha dhul bahante waxa uu katirsan yahay somaliland oki waa la dhaafay kanan isku qabiilnahay iyo kanan isku harti nahayba anuu waxaan idin leeyayhay dhinac iskugu baydha
January 17, 2009 at 8:00 am
gurey
anigoo ah mubaarak cali jaamac oo ka tirsan beesha dhulbahante waxaan kula talinayaa beesha dhulbahante in ay isku xirnaadaan oo ay ilaahay ku xirnaadaan , soomaaliland ay iskaga haraan iyo xuduudaha ihgiriisku jeexay samaystaana maamul u gaar ah inta maamulka xaq ah laga helayo oo hanta soomaaliya oo dhan
March 18, 2009 at 2:21 pm
cali cumar jaamac wadaad
walayidhi qiyaa muhu mar haduu qariib yahay kuman yaal qayaayale
oo quus geliya aadmiga baalaga qaadayaa oodee ee qalbiga miyad kuha iseen kuha laascaana lawaree iidoor subxaan
March 18, 2009 at 2:34 pm
wiil reer adhi cadeeeye
waxaan u jawaabayaaaa hasan abdi waxaaan leeyahay \\hasan y\waxaan leeyahy noocaaga hargaysaa looga bahanyahay mudo markalagaa daalo waalahu sumay orog ootad usheeg hadal soo qortay
bye
March 18, 2009 at 3:09 pm
wiil burco
waar salaan inagaa idinka gaad nay burco caynaba laaskana hada waa la yidhi dhulbahante intuu nabad kugu yeelo culaad kuguma yeelo
March 18, 2009 at 3:15 pm
wiil burco
waxaa lagu yagaan dhul bahante faaan oo keliya maanta anaa madaxa in kaga kaajayaa darwiish baan ahay hahadho taasina kkkkkkkkkkkkkkkkk
March 18, 2009 at 3:59 pm
abu ahmed
wsc salaan kadir waxaaleeyaahy qabiil iska dhaa fa oodiinta ale isku dhaqa walaal yaaal oo u qar gaara jihaaad ka jihaad laabta ka ogaada
meel kast aad joogtaan
wsc
March 18, 2009 at 4:05 pm
abu ahmed
walala yaa doorta xukun islaaam oo is ka ga taga xukun gaa lada si aad u liibaan taaan if iyo aa khiro ba xun dad da ciif ahi qoreen oogaalo u yeedhi say soomaliad iyo punt land iwm ka door kitaab ka ale
wsc