![]() |
|
| Ciidamo Mareykan a |
Ciidamada militeriga ee Mareykanka ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka uu caawiyey shaqaalaha markab laga lahaa waqooyiga Kuuriya.
Shaqaalaha markabka saarnaa ayaa la dagaalamay kooxda afduubtay si ay dib u hantaan maamulka markabka sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AP.
Diyaarada qumaatiga u kaca ayaa ka soo duulay markabka USS James si ay u baaraan teleefoon u soo dhacay oo sheegayay markabka la afduubtay.
Warbixin ay soo saareen militeriga Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanku ay ka awood badiyeen burcad badeeda af duubay markabka, iyagoo dilay laba ka mid burcada.
Warbixin hordhac ah ayaa sheegtay in sidoo kale shan ka mid ah burcada la qabtay sida ay ku warameen militeriga Mareykanka.
Sadex ka mid ah shaqaalihii markabka oo qaba dhaawac xun ayaa la soo saaray markabka Mareykanka.
BBCSOMALI










2 comments
Comments feed for this article
February 22, 2009 at 12:45 pm
ali yuusuf
wax aan rabaa in aan ka hortgo burcadda wax ay dadka iyo dalalka caalamak ku wado marka si aan u helo caawimaad waxaan rabaa in ay ila oo xariiraan kooxaha ladagaalam burcacd badedka
NB
aniga wax aan haayaa documentiyuaal lagu heli karoi burcadad sida loogu dagaalamo
May 11, 2009 at 1:07 pm
ahmed
burcadbadeedu waxay haysataa fursad ay ku raadsadaan marakiibta waayo waxaan jirin wax tageero ah oo ka imaanayah bulshada caalamka oo inay bixisoh lagac mahaneh aan wax kale isku dayeyn walow maraynkanku uu caawiyey bucada