You are currently browsing the monthly archive for December 2007.

qarax1.jpgBosaaso:- Qarax xoogan ayaa caawa Gil Gilay magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari, qaraxaasi ayaa waxa la sheegay in lala beegsaday Gaadhi ay wadeen Booliska Magaalada Bosaaso xili ay ku jireen hawlgal balaadhan oo ay ku sugan yaan Amaanka magaalada Bosaaso, goortii qaraxaasi dhacay ayaa waxa ay rideen Ciidamadu rasaas xoogan oo ay kaga jawaabayaan Qaraxaasi. Read the rest of this entry »

yuuuf.jpgBaydhabo:- Madaxwayanah Dawlada Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta galinkii danbe ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ee Baarlamaanka Somaliya fadhiga u ah, Madaxwaynaha ayaa waxa aad halkaasi ugu soo dhaweeyay Boqolaal dad ah kuwaasi, oo caleema qoyan iyo sii diiran uga hortegay C/laahi Yuusuf, dhanka Xukuumada Somaliya ayaa iyana waxa halkaasi joogay Nuur Cadde. Read the rest of this entry »

kibaki2.jpgNairobi:- Magaalada Narobi ee xarunta Dalka Kenya ayaa waxa soo food saaray is bedel siyaasadeed oo aad u xoog badan, iyada oo ay halkaasi maalintii shalay ahayd galinkii danbe lagu dhawaaqay inuu Madaxtinimada Dalka Kenya ku guulaystay Hogaamiyihii hore ee dalkaasi Mwikibaki, sida ay ku dhawaaqeen gudiga Doorashada Dalka Kenya loo xil saaray. Read the rest of this entry »

nuur.jpgBaydhabo:- Warar hoose oo lagu kal soon yahay oo haatan naga soo gaadhaya magaalada Baydhabo ee xarunt u ah Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay daboolka ka qaadayaan in aad loogu rajo wayn yahay in 48-Saacaadood gudahood uu Raisalwasaare Nuur Cadde ku dhawaaqo Xukuumada Cusub ee dhawaanahan laga  dhursugayay dhawaaqideeda. Read the rest of this entry »

cawaale.jpgBosaaso:- Wariye Cawaale Jaamac Salaad ayaa waxa u soo gashay Maalintii 10-xiliga oo ku jira gacanta ciidamada Taageesan Maamulka Puntland,kuwaasi oo ku haysta xabsiga wayn ee Magaalada Bosaaso duleedka ku yaala, waxa la soo sheegayaa inaan ilaa haatan wax maxkamad ah la horkeenin, Cawaale waxa lagu haystaa inuu xidhiidh dheeraad ah la sameeyay Kooxo Budhcad ah oo Afduub u haystay Nin wariye ah oo France ka soo jeeda. Read the rest of this entry »

dagal.jpgMuqdisho:- Dagaal xun ayaa xalay ha dheeyay Caasimada Somaliya ee Muqdisho, dagaalkaas ayaa waxa la sheegay inay iskaga hor yimaadeen Ciidamada Dawlada Somaliya oo gacan wayn ka helaya kuwa Dawlada Itoobiya, iyo kooxa ha ka soo horjeeda siyaasada Dawlada Somaliya,waxana la sheegay inuu dagaalkaasi keenay khasaare lixaadle, oo dhamaanba bur buriyay boqolaal dhul laga dukaamaysto ah. Read the rest of this entry »

kibakinew1.jpg Nairobi:- Wararka  naga soo gaadhaya Nairobi ayaa waxay sheegeen inuu ku guulaystay Doorashadii Dalkaasi  Mwikibaki, sida ay xaqiijiyeen Gudiga guud ee doorashada Dalkaasi gacanta ku haya, waxay sheegeen inuu si rasmi ah ugu guulaystay Madaxtinimada Dalkaasi, ninka lagu magcaabo Mwikibaki, iyada oo ay soo baxayaan rabshado dheeraad ah oo Dalkaasi gabi ahaanba hadheeyay Read the rest of this entry »

dagaaaaaa.jpgAdisababa:- Xiisad colaadeed tii igu darayd ayaa laga soo tabinayaa xuduuda u dhexasya labada Dal ee Itoobiya iyo Eritrea kuwaasi oo la sheegay inay wadaan Abaabul dagaal oo xoogan, dhanka Itoobiya ayaa waxa laga soo tabinayaa inay wadaan daad guraynta Ciidamo kuwaasi oo Kumanaan Ciidamadeeda ah u soo daad gureeyay xuduuda labadaasi  Dalk u dhexaysa. Read the rest of this entry »

msf.jpgBosaaso:-Kooxda hubaysan ee afduubka u haystay Labada Hablood ee ka hawli gali jiray Hay”adda MSF ayaa waxay sheegeen inay dalbadeen lacag madax furasho ah taasi, oo hadii la siiyo ay soo daynayaan Gabadhahaasi, majiraan cid warkaasi si toosa daaha uga qaaday marka laga reebo Maamulka Puntland, oo isagu sheegay hadakaasi. Read the rest of this entry »

h1.jpgGaroowe:- Cade Muuse Xirse Madaxwaynaha Maamulka Puntland ayaa maanta magcaabay Wasiiro cusub kuwaasi oo ku soo kordhiyay Golaha wasiirada Puntland, wasiiradaasi uu Cade Muuse magcaabay ayaa waxa ka mid ah kuwa uu dhawaan bedelaada ku samayn jiray qaarkood,iyo waliba kuwa kale oo markaasi aan lug wayn kula hayn arimaha siyaasada. Read the rest of this entry »