You are currently browsing the daily archive for December 31st, 2007.

qarax1.jpgBosaaso:- Qarax xoogan ayaa caawa Gil Gilay magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari, qaraxaasi ayaa waxa la sheegay in lala beegsaday Gaadhi ay wadeen Booliska Magaalada Bosaaso xili ay ku jireen hawlgal balaadhan oo ay ku sugan yaan Amaanka magaalada Bosaaso, goortii qaraxaasi dhacay ayaa waxa ay rideen Ciidamadu rasaas xoogan oo ay kaga jawaabayaan Qaraxaasi. Read the rest of this entry »

yuuuf.jpgBaydhabo:- Madaxwayanah Dawlada Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta galinkii danbe ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ee Baarlamaanka Somaliya fadhiga u ah, Madaxwaynaha ayaa waxa aad halkaasi ugu soo dhaweeyay Boqolaal dad ah kuwaasi, oo caleema qoyan iyo sii diiran uga hortegay C/laahi Yuusuf, dhanka Xukuumada Somaliya ayaa iyana waxa halkaasi joogay Nuur Cadde. Read the rest of this entry »

kibaki2.jpgNairobi:- Magaalada Narobi ee xarunta Dalka Kenya ayaa waxa soo food saaray is bedel siyaasadeed oo aad u xoog badan, iyada oo ay halkaasi maalintii shalay ahayd galinkii danbe lagu dhawaaqay inuu Madaxtinimada Dalka Kenya ku guulaystay Hogaamiyihii hore ee dalkaasi Mwikibaki, sida ay ku dhawaaqeen gudiga Doorashada Dalka Kenya loo xil saaray. Read the rest of this entry »

nuur.jpgBaydhabo:- Warar hoose oo lagu kal soon yahay oo haatan naga soo gaadhaya magaalada Baydhabo ee xarunt u ah Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay daboolka ka qaadayaan in aad loogu rajo wayn yahay in 48-Saacaadood gudahood uu Raisalwasaare Nuur Cadde ku dhawaaqo Xukuumada Cusub ee dhawaanahan laga  dhursugayay dhawaaqideeda. Read the rest of this entry »

cawaale.jpgBosaaso:- Wariye Cawaale Jaamac Salaad ayaa waxa u soo gashay Maalintii 10-xiliga oo ku jira gacanta ciidamada Taageesan Maamulka Puntland,kuwaasi oo ku haysta xabsiga wayn ee Magaalada Bosaaso duleedka ku yaala, waxa la soo sheegayaa inaan ilaa haatan wax maxkamad ah la horkeenin, Cawaale waxa lagu haystaa inuu xidhiidh dheeraad ah la sameeyay Kooxo Budhcad ah oo Afduub u haystay Nin wariye ah oo France ka soo jeeda. Read the rest of this entry »

dagal.jpgMuqdisho:- Dagaal xun ayaa xalay ha dheeyay Caasimada Somaliya ee Muqdisho, dagaalkaas ayaa waxa la sheegay inay iskaga hor yimaadeen Ciidamada Dawlada Somaliya oo gacan wayn ka helaya kuwa Dawlada Itoobiya, iyo kooxa ha ka soo horjeeda siyaasada Dawlada Somaliya,waxana la sheegay inuu dagaalkaasi keenay khasaare lixaadle, oo dhamaanba bur buriyay boqolaal dhul laga dukaamaysto ah. Read the rest of this entry »


 

December 2007
M T W T F S S
« Nov   Jan »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Somali Heritage Center
Sun Fire Cooking

Photos

LasQoray Beach - Maakhir, Somalia

LasQoray - Maakhir Coast, Somalia

Geel - Soolasha Maakhir

More Photos