You are currently browsing the daily archive for January 10th, 2008.
Bosaaso:- Waxa degenaansho laga soo sheegayaa goobihii uu saaka Dagaalku ka dhacay ee gudaha Magaalada Bosaaso, goobahaasi ayaa waxa lagu arki karayaa Kumanaan dad ah oo taagan kuwaasi oo u soo daawashada tegay goobahaasi uu Dagaalku ku dhex maray Ciidamada Maamulka Puntland iyo Malayshiyadii daacada u ahay Wasiirkii Hore ee la casilay Siciid Maxamed Raage.
Bosaaso:- Wax saaka hiirtii waa bari uu dagaal dhaqaadhi ka dhacay Xaafada Biyo Kulul ee ku taala Duleedka Magaalada Bosaaso, dagaalkaas oo u dhexeeya Ciidamo tageersan Maamulka Puntland iyo Malayshi ka amar qaadata wasiirkii hore Dekedaha iyo Kaluumaysiga Puntland Siciid Maxamed Raage,waxana dagaalkaas laysu adeegsaday Hubka Cul Culus. Read the rest of this entry »








