You are currently browsing the daily archive for January 20th, 2008.
Muqdisho:- Wararka haatan naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Somaliya ayaa waxay sheegayaan inay caawa Hubiyaal lagu weeraray Aqalka Viila Somaliya halkaasi uu haatan ku sugan yahay Raisalwasaaraha Dawlada Somaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) waxa la soo sheegay in ciidamo badan halkaasi la soo dhoobay. Read the rest of this entry »
Bosaaso:- Gudoomiyaha Gobolba Bari Muuse Gelle Yuusuf (Faroole) ayaa maanta ka hadalay Sicir bararka baahasan ee ka jira guud ahaan Gobolada Puntland isaga oo soo indha indheeyay suuqyada lacagaha lagu Sarifto iyo waliba goobaha Ganasiga ee ugu waa wayn magaalada Bosaaso. Read the rest of this entry »
Pairut:-Hogaamiyaha Ururka Xisbolah Sheekh Xasan Nasrallah oo maalinkii shalay ka qudbeeyay goob ay isugu soo bexeen dadweyne aad u fara badan una badnaa taageerayaashiisa ayaa sheegay in ey hayaan meydad askar Israel ah oo ay uga qabsadeeb dagaalkii ugu danbeeyay ee iyaga iyo Israel ku dhex maray xuduuda Lubnaan iyo Israel. Read the rest of this entry »
Muqdisho:Ra’iisul Wasaaraha xukuumada fedaraalka kmg ah ee Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo wefdi uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mudada gaaban ee ka dhiman dowladda kmg ah ay ku dhamayn doonaan howlaha hor yaala ee u baahan wax ka qabashada. Read the rest of this entry »
Kismaayo:- Wararka aanu ka helayno magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxay daboolka ka qaadayaan inay maanta galinkii danbe halkaasi ka soo Degeen wafti balaadhan oo ka socoda Q.M kuwaasi oo ujeedkoodu ahaa inay xog buuxda ka qaadaan dadka deegaankaasi bal sida ugu haboon ee Ciidamada Bedela kuwa Midawga Afrika loo keeni lahaa Somaliya. Read the rest of this entry »
Garoowe:- Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cade Muuse ayaa saaka hiirtii waa bari shir saxaafadeed ku qabtay Xarunta Mataxtooyada ee magaalada Garoowe Shirkaas ayaa waxa Cade Muuse kaga hadlayay xaaladah Amaan ee guud ahaan Maamulka Puntland iyo waliba sicir bararka baahsan ee ku dhuftay Gobolada Puntland la baxay. Read the rest of this entry »
Riyad:- Wiil uu dhalay Wadaadka caanka ah ee Usaama Binlaadin ayaa shaaca ka qaaday inuu ku talo jiro sidii uu ugu kala dab qaadi lahaa Maslimiinta iyo wadamada Reer galbeedka ah, wiilkan oo lagu magcaabo Cumar Osaama Bunu Laadin, ayaa arintaasi soo bandhigay isaga oo haatan ku sugan magaalada Riyaad e cariga Sucuudiga. Read the rest of this entry »
Mudisho:- Raisalwasaaraha Somaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa waxa la filayaa inuu saacadaha soo socoda uu soo gaadhi doono magaalada Muqdisho,isaga oo ka soo boqoolay maalada Baydhabo ee fadhiga u ah Baarlamaanka Somaliya, Raisalwasaaraha lama sheegin cid safarkiisaa ku wa helisa,walaw ay wararka qaar sheegayaan inay la socdaan xubno ka tirsan baarlamaanka. Read the rest of this entry »
Luanda:- Diyaarad nooca yar yar ah ayaa ku dhacady meel buura u badan oo ku taala Dalka Angola, diyaaradaasi ayaa waxa si khaas ah u watay 11-Ruux kuwaasi oo la sheegay inay ahaayeen ku dal xiis ahaan Buurahaasi ugu kacitimay,waxa la cadeeyay inay diyaaradaasi soo dhacday xili ay ku jirtay Duulimaad hawada sare. Read the rest of this entry »








