You are currently browsing the daily archive for January 21st, 2008.
Hargaysa SL:- Wararka haatan nagaga imanaya Magaalada looga taliyo Maamulka Gooni isu taaga ah ee S/land ayaa waxay sheegayaan inuu Goor dhawayd halkaasi soo gaadhay Ninka hogaamiya Dawlada Gooni isu taaga ah ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iysaga iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo waxana la sheegay inay waji gabax kala soo Kulmeen Beesha Caalamka. Read the rest of this entry »
Bosaaso:- Maalinta Saxaafada Somaliya oo maanta ku beegnayd ayaa waxa si wayn looga oogay magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somaliya, Munaasibadaasi ayaa waxa joogay Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Somaliya Agaasimayaasha Idaacada ka hawl gala Muqdisho iyo waliba Hay”adda arimaha warbaahinta isha gaarka ah ku eega. Read the rest of this entry »
Bosaaso:- Wararka hoose oo haatan naga soo gaadhaya magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in aad loogu rajo wayn yahay inay Kulmaan Raisalwasaare Nuur Cadde iyo Madaxwaynihii Hore ee Dawlada Carta ee Bur Burtay Cabdi Qaasim Salaad Xasan, waxana la sheegay inuu kulankaasi ka dhicidoono Guriga Cabdi Qaasim ee magaalada Muqdisho. Read the rest of this entry »
Bosaaso:- Wafti balaadhan oo ka socota Dawlada Dalkaasi Emaraadka Carbta ayaa maanta ka soo Degeya Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Bosaaso waftigaasi ayaa waxa la sheegay inuu ujeedkoodu ahaa inay Maamulka Puntland kala xaajoodaan Hawlaha Xoola Dhoofinta waxayna waftigaas u badnaayeen Ganacsato reer Khaliij ah. Read the rest of this entry »
Bosaaso:Xafiiska Gadiidka kireeya ee Salaama ayaa Waxaan maanta ku soo Booqanay Madax Xafiiskaasi Mudane Axmed ismaaciil gurey Waxaana uu ka waramay Axmed ismaaciil Guray Shaqada Xafiiskiisa ee ah isku Xirka Gadiidka Iyo Hay,adahaha Gaar ahaan Gadiidka yar yar ee u shaqaya Ha,adaha Caalamiga ah ee Degaanada Puntland. Read the rest of this entry »
Baladwayne:- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Baladawayne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan inay saaka Bilaabeen Ciidamada Dawlada Somaliya iyo kuwa Itoobiya baadhitaano xoogle oo ay ka wadaan Deeganada ku Hareeraysan Degmad Baladwayne, warka ayaa intaasi ku daraya inay Baadhitaanadaasi aan ilaa haatan cid lagu soo qaban. Read the rest of this entry »
Bosaaso:- Hutell uu degan yahay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sool ayaa waxa saaka is weer ka qabtay ciidanka Booliska ee Magaalada Bosaaso, kuwaasi oo ku an dacoonaya inay jeelka dhigayaan Gudoomiyahaasi, dhamaan agagaarka Hutellkaas ayaa waxa jooga ciidamo aad u fara badan. Read the rest of this entry »








