Badhan : Saaka subaxnimadii ayaa xarunta dugsiga Alfurqaan ee magaalada Badhan waxa lagu qabtay xaflad ballaadhan oo ay kasoo qayb galeen ardayda dugsiga heerarkooda kala duwan Hoose , Dhexe iyo sare , iyo waalidiinta ardayda , gudida dugsiga iyo bareyaashooda.
Xafladan ayaa lagu abaalmarinayey ardayda ama kooxaha ku guuleystey tartanka kala duwan ee ardayda loo qabto maalin walba oo Khamiis ah, tartamadaas oo isugu jira kedis, doodo , khudbado, cilmi baadhis, jariidado gidaareed ( المجلة الحائطية ), cayaaro ay ka mid yihiin : booddo, orod, kubadda kolayga, kubadda volley – da , iyo kubadda cagta .
Cayaarahaas ayaa cidda ku guulaysata waxa lagu abaal mariyaa xaflad tan oo kale ah : ardaydii halkaas lagu abaalmariyey ayaa waxa ka mid ahaa : Maxamed Xasan Cabdi , Maxamed Saalax Cali iyo C/xakiim Cali Bel-bel oo boodada ku guulaystey , sidoo kale : Maxamed Axmed Cali (Nugaal) ayaa noqday ardaygii ugu khudbadda wanaagsanaa . waxa iyaduna mucjiso ahayd wiil yar oo lagu magcaabo Axmed Maxamed Axmed ( timo-cadde) oo noqday ardayga saxaafadda u qaaday, waxana uu isla xafladda dhexdeeda kusoo bandhigay sida la yaabka leh oo barnaamijka warka usii daayo , waxana aad loola dhacay wiilkaas oo aan warka ka akhriyin waraaq una soo xifdiya sida uu idaacadaha uga soo dhegeysto ama loogu dul akhriyo, isagoo da’diisu yar tahay.
Dhanka gabadhaha ayaa xagga firfircoonida waxa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey Imaan Siciid Faarax iyo Samiiro Aadan Jaamac, .
Iyadoo aan halkan lagu soo koobi karayn shahaado sharafyadii ardayda halkaas lagu guddoonsiiyey iyo jaa’isadihii qiimaha lahaa ee halkaas ay ardaydii dadaashey kala galbadeen ayaan kusoo gaabsanaynaa intaasi.
Maamulaha iskuulkaas C/casiis Axmed Dhahar oo furitaankii khudbad ka jeediyey halkaas ayaa ardayda ku boorriyey iney waxbarashada ku dadaalaan , sidoo kalena waxyaalaha lasocda ( Extra Curriculum activities ) ee cayaaraha iyo tartamada kaleba ay si fir-fircoon uga qayb qaataan , waxana uu ku tilmaamay iney mustaqbalkooda anfacayso dhamaan waxyaalahaasi , ayna yihiin waxyaalo aan waxbarashadu ka maarmi Karin , dugsiga qiime weyn ugu fadhiya , dhaqaale , hawl iyo maskax badanna la geliyo .
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay waalidiin uu ka mid yahay Xaaji Xuseen Cismaan iyo Caasho Cumar Cawl oo ardayda waanooyin iyo taloba halkaas uga soo jeediyey , bareyaashana uga mahad naqay hawsha ay hayaan.
Daawo sawirada:


Maamulaha : C/casiis A. Dhahar Xaaji Xuseen Cismaan.


Caasho Cumar Cawl. Muuqaalka guud ee xafladda.





Kooxda Al-furqaan oo ku guulaysatey koobka kubadda Cagta.
Ardayda Fasalka 7aad-B- iyo mujaladooda MUQDISHO.
bandhigga Mujaladaha oo ardaydu daawanayso.


ardayda kala duwan ee la guddoonsiiyey shahaado sharafta .
Weriye : Axmed Max’ed Timocade.


Qaar ka mid ah kasoo qayb galayaasha xafladda

Maxamuud Ciyoon / Badhan.
xigasho: Laasqoray.net









5 comments
Comments feed for this article
February 3, 2008 at 6:21 am
Farah
Badhan is my home town. I love it.
September 17, 2008 at 12:32 pm
hassan
waxaan rabaa sida ardaydaan oo kale e sida ugu fududu aan ku heli karo i sheega walaa;layaal adinko mahad san
September 17, 2008 at 12:38 pm
dr: hassan mohamuud shariif
رمضان مبارك dr:xasan maxamuud shariif waa dr: wanaag san waxaana u ka howl galaa moqdisho
xasan maxamuud shariif waa dr:qibrad wanaag san leh ok waixii faah faahin ah kala soo xariir xmsh92@hotmail.com ama 00252-1-5578704
bakaaro
February 17, 2009 at 12:26 pm
Hasasn mohamud
thanks my bro
June 22, 2009 at 12:53 pm
cabdiraxman
waxaan u hambalyanaya ardada furqaan ee badhanwaxanna leeyhay halkas kawadaby