Ceerigaabo :Wax barashada Dugsiga Sare ee Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Sanaag ayaa Noqotay Mida ugu Horumarsan Dalka Somaliya ka dib markii la Ogaadey Hanaanka iyo Heerka baaxadale ee ay ka taagantahay Degmoyinka kale ee Dalka Somaliya.
Ceerigaabo waxa ay ka tirsantahay Degaanada sida Khaaska ah ay u degaan Dadka ka soo Jeeda Gobolka Sanaag Waxaana ka taliya Maamulka Gobolka Sanaag ee Makhir state.
Ma jirto wax Raad iyo awood ah oo la Oran karo Somaliland way ku leedahay Sababtoo ah Degaanka Waxa Meteli kara Shacabka uu ka soo Jeeda.
Hadaba Intaasi ka bacda ayaa waxaan Booqanay Dugsiga sare ee Wax barashada Degmada Ceerigaabo oo ah Dusgsiyadii ay Hirgelisay Dowaladii Hore ee Jaale Maxamed Siyaad Bare Waqtigii ay ka arimin jirtey Dalka Somaliya ilaa haatana Waxaa Dhismaha iskuulkaasi uu yahay Mid Heer sare ah oo aan wax Dayac ah marin.
Waxaa ay isugu jiraan ardayda Wax ka barataa Dusgsiga sare ee magalada Ceerigabo Wiilal iyo Hablo ku Howlan sidii ay u gaadhi lahayeen Heerka jaacadeed ee ay Dalkooda wax ugu qabsan donaan.

Halkani Waa xarunta Wax barashada G/Sanaag oo Hoostimada Maamulka Gobolka Sanaag.

Qaar ka mida ardayda Dusiyada Dhexe oo ka soo Raxay Iskuukooda.







Magaalada Ceerigaabo ayaa Sidoo kale waxaa ku yaal In ka badan ilaa 20 iskuul oo isugu jira hoose Dhexe iyo sare ku waasi oo Dhamaantood ay wax ka dhigaan Macalimiin wax ku soo bartay jamacado ku yaal Dalka Gudihiisa iyo Debediisaba.
Sidoo kale Goobihii aan booqanay ayaa waxaa ka mid ahaa Gobtii ay ku Olayd Jaamacadii Hore ee Degmadaasi Ceerigaabo ee loo yiqiin Dayaxa waxaana ay haatan tahay Meel aan waxba laga baran balse ay Weli ka muuqato qaabkii jamacadeed.
Inta badan ardayda Wax ka barata Dusgiga Sare ee Magaladaasi Ceerigaabo ayaa waxa ay waxbarasho u raadsadaan Jamacadeed dalalka Suuriya, Hindiya, Sudaan, bakistaan, Malaysiya iyo Sidoo kale ku wa dalka oo ku kala yaal Boorame iyo Bosaso.
Maamulka iskuulaadka Magaalada Ceerigaabo ayaa Sheegay Inay Wax barasahada u badka Xilgaara ay iska Saraan isla mar ahaantaasina Sanad Walba ay jiraan Boqolaal Dhalinyaro ah oo ka qalin jibesa Wax barasahda Sare ee Degmada Cerigaabo ku waasi oo inta badan Wax barashadooda ku Dhamaysta Qurbaha iyo Meelaha kale ee ay ka Heli karayaan.





Mar aan Waydiiney maamulka Iskuulka Sare ee magaalada Ceerigaabo Inay jiraan Wax barasho Lacag la,aan ah iyo Ha,aydo gacan siiya aya Waxaa uu Noo sheegay Inay yartahay balse ay Jiraan hay,ado badan oo Qaabilsan Wax barasahda ardayda ku waasi oo Sanad walba ka qaada Degmada Ceerigaabo arday kor u dhaafaysa In kabadan labaataneeyo.
Waxa uu Maamulka iskuulka oo Waramayey Warbaahinta Dhahar.com uu Xaqiijiyey inay Jiraan Arday Hore Wax uga baratay iskuulaad ka mida Degaanka Ceerigaabo iyo Degmooyinka kale ee Badhan iyo Qaybaha kale ee gobolka oo Haatan nasiib Wanaag u yeesahay Inay iygu Noqdaan Macalimiinta Wax bara ubadka ku dhaqan degaankaasi.
Sidoo kale Qaybo ka mida ardayda Wax ka barata Dusgiga sare ee magaalada Ceerigaabo Gaar ahaan ardayda Sanadkan Geba Gebagebaysa,Wax barashadooda ayaa sheegay Inay Nasiib Wanaasan ay ka qabaan Doorka kaga aadan iyadoo ay ay ardayda ka qalin jebinasya Sanadkan ay u Bokhoolayaan Dalka Malaysiya oo ay amaneen Wax barasahda ardayda ku Maqan ee ka soo jeda Degaankaasi.
Dhinaca kale Waalidiinta wax ka barataan Ciyaalkoodu ayaa waxaa ay shegeen inay Wax barasahda aad uga taxadaraan iyadoo Inta badan Dhalinyarada Reer Ceerigaabo ay u dareeraan Goobha Wax barasaha.
Magaalada ayaa waxaa ay leedahay Beero iyo Meelo Quruxbaan oo ay ardaydu u aado Dal xiiska Sida Buurta Daalo oo kale iyo Meelo kale oo ka mid tahay Beerta Xoriyada oo ku dhetaal Gudaha Magaalada Ceerigaabo iyo Meelo kale oo badan.
Muqaalkan Hoose ee aad arkaysan Daawadayaal Waa isbartiimada kubada Cagta ee Magaalada Ceerigaabo oo ay ardaydu ku bada ku Ciyaaro marka ay fasaxa yihiin.



Maakhir.com/ Xafiiska- Bosaaso









7 comments
Comments feed for this article
September 23, 2008 at 7:03 pm
maacruuf
wax barashadaa haa laa wadoo
March 16, 2009 at 6:41 am
ahmed
waxaan aheay arday soomaaliyeed oo ey waxbarashada ku kala go’day waxaan idinka codsanaa in hadii aad wax i dheertihiin walaalaheyga somaliyeed baad tihiine aad ii fidisaan deeq wax barasho waxaan joogaa maanto mogadishu waxaan nku kalsoonahay in wali aduunkaan ku noolyihiin dad ey wali ku dambeyso bani aadanimada eysan dadka oo dhan ahyn sida mooryaanta muqdisho ku nool oonba kuu ogoley in ad wax qabsato oodne wax is tarto laakiin anigu midaas waan kasoo horjeedaa waxaanna ogahay oon ku seexdaa dadka oo idil in eysan saas aheyn oy jiraan dad wanaagsan waliba laga helaayo qeybo bada oo dalkeena ah walaalayaal waxaan rabaa in aan mustaqbalka noqdo nin ingneer ah adin kana waxaan idinka doonayaa in aad garabkeyga istaagtaan ood igu taakuleysaan arimaheyga isku xir xiran wann idinka war sugaa walaalayaal wax alyaala iyo waxii aad ila qaban kartaan ila garab istaaga adinkaa walaalaheyga somaliyeed ahee
April 19, 2009 at 1:25 pm
ahmed
Asalamo Calaykum
Aad iyo Aad baan ugu faraxsanahay in aan Maanta Halkan Ka Daawado Ardaydaydii Aanu isku Fasalka ahayn oo aan Maanta Sawiradoodii Halkan ka Daawano walahay aad iyo aad baan ugu farxay eh waxaan leeyahay Dedaala oo Mustaqbal dhab ah keena dalka iyo dadkaba inaga ayaa u Hooyo iyo Aabe ahi Somalidu waxay ku Mah Mahda {Ceela uma qodna cidna uma Maqna} waxaa uu dalku Sugaayey waa inaga.
walahayga Somaliyeedna waxaan kula Talinayaa idina waxaa laydinka Rabaa in aad Dedaashan oo aad Sidan oo kale noqotan.
Walaahayga Somaliyeed oo waxbarashada Jecel waxaan ka Codsanayaa walal Waxaanu Rabnaa in aad wixii aad Nagu dhaantan aad noo Faa.iidaysan oo aad halkan Nagu soo Gubisan.
Waabilaahi Towfiiq
April 19, 2009 at 1:26 pm
Dafle
Asalamo Calaykum
Aad iyo Aad baan ugu faraxsanahay in aan Maanta Halkan Ka Daawado Ardaydaydii Aanu isku Fasalka ahayn oo aan Maanta Sawiradoodii Halkan ka Daawano walahay aad iyo aad baan ugu farxay eh waxaan leeyahay Dedaala oo Mustaqbal dhab ah keena dalka iyo dadkaba inaga ayaa u Hooyo iyo Aabe ahi Somalidu waxay ku Mah Mahda {Ceela uma qodna cidna uma Maqna} waxaa uu dalku Sugaayey waa inaga.
walahayga Somaliyeedna waxaan kula Talinayaa idina waxaa laydinka Rabaa in aad Dedaashan oo aad Sidan oo kale noqotan.
Walaahayga Somaliyeed oo waxbarashada Jecel waxaan ka Codsanayaa walal Waxaanu Rabnaa in aad wixii aad Nagu dhaantan aad noo Faa.iidaysan oo aad halkan Nagu soo Gubisan.
Waabilaahi Towfiiq
August 27, 2009 at 11:48 am
xiis xarago
ax yaa sanaag sxb yaal waxaan aad u salaamayaa ardaydan reer sanaag sxb yaal waxaan idin ku boorinayaa inaa dadaaalka halakaas ka sii wadan sxb yaal guulaysta reer sanaagoow sxb yaal
August 27, 2009 at 11:18 pm
axlaam cabdi
asc bacda salaam aad ayay umahd san yihiin dawlad iyo shacbkaba ee soo abaabulay dugsigaa waxbarsho maadaam ay dhaliyeen fikradaa wacan ee maanta lagu alaabulay dugsigaa wax barsho waxaan ardayda ku baraarujinayaa inay waxbartaan maxaayeelay waxbarshdu waa furah nolosha qof aan waxbarsho lahayna meel kam soo bixi karo waad ujeedan soomaliya had inay dawlad laan tahay oo ururo iyo waxaan la garnayn ay kursiga isku dilayaan waxaasoo dhan waxaa usabab aha wx barsho laan iyo waxa aan ku metaly anigu fekrahaantayda barnbarda oo loogu yeedho qabyaalad markaa waxaasoo dhan waxa tir tiri kara waa aqoonta iyo waxbarshda oo daacad loo noqdodalkeena meelka fiican majirto oo aan ku negan karnaa dhaliyardiina waxaa maskaxda ka galy dhoof iyo buufis walalyaa anu wax barno oo aan dalkeena wax ubarano iyo diinteena saxda aha oo aan macdanta lasoo baxno qofkuna haduu dadaalo waa uu gaadhayaa meesha uu rabo markaa hadan wax barano waan gaadhanaa inaa dalkeena iyo diinteenba aan saro uqaadno markaa walalayaa waad ujeedan duqaydii ee bal dadkeena dhalin yarda ahow aan kor isku qaadno allan waa inal qabanayaaye maxaayeelay in naxriista alle lg quusto maha waa inaan garano danteena oo ayanan ku dayan dadka wax qarxinaya dadka ajaaniibta ahaba oo aynu u laabanaa caqiidad iyo sunah saxda ahaba iyo kitaabka quraanka kariinka ah
thanks along all of you teachers ,students,governments,and comments
October 6, 2009 at 3:21 pm
cabdirahmaan jaamac weged
waxaan idiin rajaynaya sidaad u dadaasheen iyo si ka wayn waad mahadsantihiin