Buraan:- Degmada Buraan ee ku taala Gobolka Sanaag ayaa maanta si rasmi ah looga hir galiyay adeega Isgaarsiineed taasi oo ay Fulisay Shirkada Golis oo ah Hormuudka Isgaarsiinta ee Casriga haatan la joogo, dadka Deegaanka ayaa sheegay inay aad u sood dhaweeyeen adeegaasi ay Keentay Shirkada Golis, Buraan ayaan horay ulahaan jirin wax Isgaarsiin ah.
Sida ay noo sheegeen wax garadka deegaanka Buraan waxa maanta si toosa daaha looga qaaday galinta Talefoonada oo laga hirgaliyay Degmada Buraan, waxa ay sheegeen in ilaa 250- Guri haatan si toosa loo galiyay Adeegaasi ay Fududaysay Shirkada Golis.
Maxamuud Cismaan oo ka mid ah dadka Deegaanka ayaa shaaca ka qaaday inay hawshaasi ay wadaan Shirkada Golis ay aad u soo dhawaynayaan isaga oo intaasi raaciyay inay dhib wayn ku qabeen Adeega Isgaarsiinta oo aan horay Deegaankaasi uga jirin.
“Waxaan leenahay hadaanu nahay Shacabka Deegaanka Buraan Golis ku soo dhawoow Gacmo furan waanuna la shaqaynaynaa dhamaan halwadeenada Shirkada Golis, Buraan waa magaalo wayn horayna uma lahaan jiray wax Isgaarsiin ah balse maanta waa Ilaahay Mahadiisa Shirkada Golis ayaa adeegaasi Fulisay, Saas waxa yiri mid ka mid ah dadka Deegaanka Buraan.
Degmada Buraan ee hoos timaada Gobolka Sanaag ayaa waxa lagaliyay adeega loo yaqaan Line-linka oo ka mid ah adeegyada ay Bixiso Shirkada Golis, waxa jira dad badan oo xusul duub ugu jiray inay iyana shagtaan Guryahooda Adeegaasi.
Shirkada Golis oo adeegan iyadu fulisay ayaa ah mid aad ay u amaanaan Dhamaan Shacabka Somaliyeed iyada oo tan iyo intii ay dhacday Dawladiid dhexe ee Dalka Somaliya lays oran karo waa Shirkada kaliya oo Bulshada Somaliyeed baahideeda Dabooshay.
Gobolka Sanaag ayaa waxa uu ka mid yahay Gobolada sida aadka ah looga Isticmaalo Adeegyada Shirkada Golis iyada oo dhawaan farta laga jaray Magaalooyinka Xingalool, Ceelbuh, Hadaaftimo, Dhahar, iyo Badhan.
NP:- Waxaad Ka waci Kartaan Xarunta Golis ee Degmada Buraan Tellka ah:- 002525290 864300 Ama 864301
Jaamac Ayaanle Feyte
Maakhir.com









1 comment
Comments feed for this article
September 22, 2008 at 5:20 pm
sharmaarke
wax kale ma sheegayo anigu laakiin waxaan qirayaa inay buraan tahay rest place in sanaag region ama guriga nasashada ee gobolka sanaag waxay kaga duwantahay buraan degmooyinka kale sida dhahar badhan iyo xingalool iwm ee gobolka ku yaala marka hore muuqaalka guud waaka qurux badantahy beena ma ah ninkii tegay ayaa garanayee biyaha aan go ayn beeraha timirta badan jawiga wanaagsan sida cimiladeeda oo u badan dhexdhexaad inteeda badan malaha habaas sida lagu yaqaan bilaha xagaaga dhamaan degmooyinka gobolka buraan waa barta keliya ee lagu dhaarto oo ku taala gobolkeena aqristoow hadii aad doonaysid inaan amaantid gobolka sanaag tusaalaha koowaad ka dhigo buraan kan labaadna ka dhigo daalo surad iyo dayxa iyo cergaabo lafteeda hadii aad doonaysid in aad dalxiis u aadid gobolkaa fadlan ugu horey buraan city (buurahaa badan baaa isku baahinayee buraan iyo herer ways bidhaanshaan ) qore: sharmaarke jaanle