Galkacyo 09, April.07 ( Sh.M.Network) Deegaanka Dhahar ee ku yaala gobolka Sanaag ee dalka Somalia ayaa waxaa ka dhacay iska horimaad hubeysan oo u dhaxeeya ciidamada Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Sida ay sheegeen ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Puntland, ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, waxaana soconaya isku hub urursi ay wadaan labada maamul ee Somaliland iyo Puntland

Dagaalkaan dhex maray xoogagga Somaliland iyo Puntland ayaa ka dambeeyay ka dib markii wafuud ka socota Puntland oo uu horkacayo Gudoomiyaha Baarlamanka MG Puntland ay gaareen deegaanka Dhahar oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland.

Ciidamo ka socda maamulka Somaliland ayaa waxa ay ka soo ambabaxeen degmada Ceeri-gaabo ee gobolka Sanaag, iyadoo dhinaca kale ciidamo reer Puntland ah oo ka soo baxay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ay ku wajahan yihiin halkaasi sida ay sheegeen ilo wareed ku sugan magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Waxaa jira wafuud ka socota Puntland oo maalmaha soo socda u baqooli doonta gobolka Sool.

Advertisements