Dhahar: – Mar aan goor dhoweyd khadka telefoonka kula xidhiidhnay dad lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Dhahar, ayay waxay noo xaqiijiyeen in dagaalkii uu istaagey saacad ka dib, wararku waxay intaas ku darayaan in la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan .


Goobjoogayaashu waxay noo xaqiijiyeen iney maqlayeen rasaasta dhashiikaha iyo ZKU -ga oo ka dhacaysa meelaha labada dhinac isku herdiyeen.

Warar is khilaafsan ayaa ka jira cidda itaal roonaatay, welina ma helin warar dhex-dhexaad ah oo arintaas ku saaban. waxase hadal hayntu u badan tahay in wasiiradii Puntland ee ku sugnaa magaalada dhexdeeda ay ka bexeen , lamana xaqiijin meesha ay u bexeen iyo sababta.

Wararka aan ilo kala duwan ka heleyno ayaa ku sababeeyey bixitaanka wasiirada iyo xildhibaanada Puntland iney tahay kacdoon kaga yimid xagga dadweynaha reer dhahareed.

Dhaawac inuu labada dhinacba jiro ayaa sidoo kale la hadal hayaa, inkastoo aan tiradooda war dhex dhexaad ah aan laga hayn, hase yeeshee weli labada ciidan waxay isku hor fadhiyaan duleedka magaalada, waana isu nasanayaan sida muuqata iyo iyadoo qolo walbi ay gurmadkeeda sugeyso.

Ma jirto cid dhex dhexaad ah oo arintaan ka hadashay.

lasoco wixii kasoo kordha : laasqorayNet + dhahar.com

Advertisements