Xaggeese ku danbeeyeen kooxdii dhanka Somaliland.

Xingalool : Wararka naga soo gaadhaya magaalo madaxda degmada Xingalool ayaa waxay sheegayaan in dhammaan ciidamadii iyo masuuliyiintii Puntland ee halkaas ku sugnaa ay xalay gelinkii danbe ka guureeyeen.
wariyeyaasha oo khadka telefoonka kula xidhiidhay masuuliyiinta Puntland ee gobolka ku sugnaa qaarkood ayaa waxay u sheegeen iney xilligan ku sugan yihiin magaalada Waaciye oo ku taal laamiga u dhexeeya Qardho iyo Carmo , waxayna intaas raaciyeen iney u sii jeedaan dhanka Boosaaso. ma caddayn sababta ay dib ugu laabteen, waxayse sheegeen in haddii Somaliland soo duusho laga jawaabi doono weerarkooda, waa sida ay hadalka u dhigeene.

waxana wararka aannu ka hellay magaalada Xinaglool sheegayaan iney masuuliyiintaasi intii ay halkaas ku sugnaayeen ay sameeyeen gole degaan oo guddoomiye u doortay Yuusuf Carablow. waxa iyaduna wararku intaas ku darayaan in ciidamada Puntland sameeyeen dib u gurasho xeel dagaal , kadib markii ciidammo ka xoog badan la soo dhoobay degaanka dawaco oo aan Xingalool sidaas uga fogeyn. halka wara kale sheegayaan in amar ka yimid DFKMG ay ku bexeen ciidamadaas iyo masuuliyiintaas ka timid dhanka Puntland. mase jirto warar dhex dhexaad ah oo arintaas bixitaanka ah si cad u qeexaya.

dhanka kalena ciidmada iyo masuuliyiinta kasoo jeeda dhanka Somaliland ayaa meesha ay joogaan warar is khilaafsan laga soo sheegayaan , hase yeeshee wararka ugu badan waxay tibaaxayaan iney saaka subaxnimadii weydaarteen magaalada Sibbaaye , kuna sii jeedaan dhanka magaalada Dhahar, oo maalintii Isniintii xoog laga soo saaray.

Wasiirka Sport-ga ee Somaliland MD. Maxamuud Siciid Nuur oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay intii aanu kasoo bixin magaalada Ceergaabo ayaa diiday inuu wax waraysi ah bixiyo , wuxuna ku soo gaabsaday inaanu wax waraysi ah bixinayn ilaa uu tago magaalada Dhahar waa sida uu hadalka u dhigaye.

isku soo wada duuboo loollankii u dhexeeyey kooxaha ku hirdamaya gacan ku haynta gobolka Sanaag ayaa wareeggii ugu danbeeyey maraya, wixii ka soo kordhana kala soco

LaasqorayNet iyo dhahar.com.

Advertisements