Boosaaso:-Cadde Muuse Xirsi M.wayanaha Puntland oo maanta ka duulayay gagida diyaaradaha ee Boosaaso , ayaa mar uu saxaafada la hadlay ayuu yiri “dalka waan daafacaynaa hadalada ka soo yeeraya S/land waa iska hadal wax-xuduuda oo ay tagi karaana ma ay jiraan”.

Wuxuu sheegay in ay marnaba suurgal ahayn in waxyaalaha uu ku taahayo maamulka S/land in ay gaaraan , balse loo baahan yahay in dadwaynaha Puntland ay ka shaqeeyaan ammaanka dalka iyo horumarintisa.

M.wayne Cadde Muuse ayaa sida hadalkiisa ka muuqatay aan wax-wayn ka soo qaadin faragalinta ay S/land ku hayso Puntland.

Iyadoo dhawaan magaalada dhahar ee gobolka Sanaag-bari uu dagaal ku dhexmaray labada Ciidan ee Puntland iyo S/land , iminkana ay magaalada dhahar ay ku sugan yihiin masuuliyiin sarsare oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan S/land hase ahaatee deegaanka ka soo jeeda deegaanka.

Cadde Muuse oo ay wahliyaan qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa u duulay dalka Imaaraadka , wuxuuna sheegay M.waynuhu in uu maqnaan doono muddo todobaad ah heshiisyo muhiimana uu halkaasi ku soo saxiixi doono , walow uusan heshiisyadaasi uusan faafaahin nooca ay yihiin iyo cidda uu la galayo.

Axmed C/salaam
Garoowe , Puntlandpost.com

Advertisements