Boosaaso(AllPuntland)- Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi ayaa maanta ka hadlay xiisadaha kataagan gobollada Sool iyo Sanaag.

Madaxwaynaha oo saxaafadda la hadlayay intii uusan ka duulin magaalada Boosaaso oo uu uga dhoofay dalka Imaaraadka ayuu sheegay in Somaliland iyo Puntland ay daris wanaag kusoo noolaayeen, aanna loo baahnayn in dagaallo iyo rabshado dhex maraan.

Cadde Wuxuu sheegay in gobollada Puntland ay kamid yihiin degmooyinka ay sheeganayaan maamulka Somaliland, waxaana arintasi ku tilmaamay mid aan suurto gal ahay.

Madaxwaynuhu wuxuu ka dhawaajiyay in dadka daga dhulka ay Somaliland sheeganayso inay ay Somaliland xataa og yihiin dadka ay kadhasheen iyo dhulka ay yihiin, aanna loo baahnayn falalka xiisadda keeni kara in lagu dhaqaaqo.

Wuxuu digniin u jeediyay Cadde Muuse Cid walba oo ku hammiyaysa inay sheegato ama isku magacawdo dhulka Puntland inaysan u hir gali doonin.

Wuxuu kaloo digniin u jeediyay dadka uu sheegay in gobolladii ay u dhasheen loo soo adeegsanayo,asagoo ugu baaqay inay arimahaasi ka waantoobaan.

” Shacabka gobollada Sool iyo Sanaag ma matalaan dadka yarka ah ee doonaya inay magaalooyinka qaar gacanta u galiyaan Somaliland” ayuu yiri Cadde.

Waa markii ugu horaysay ee madaxwayne Cadde ka hadlo arinta gobollada Sool iyo Sanaag iyo sheegashada Somaliland, waxayna u muuqataa in madaxwaynuhu si dib lumaasiyadasan uga hadlay arintan.

CCC Farayaamo
AllPuntland

Advertisements