Qaarka ka mid ah ururada ka jira kana howl gala gobolka Sanaag ayaa waxay soo saareen baaq ka dhan ah faragelinta Somaliland ku hayso meelo ka mid ah gobolka Sanaag.

Ururrada SEDO, KEPO, iyo SYC ayaa baaq wada jir ah ka soo saaray arrinta gobolka Sanaag gaar ahaan fara gelin ay sheegeen in uu maamulka la baxay Somaliland ku hayo gobolka Sanaag.
Baaqan oo ka koobnaa dhawr qodod ayaa waxaa kamid ahaa.

  • In gebi ahaanba la joojiyo colaadda ka jirta gobolka Sanaag.
  • In si shuruud la’aan ah ay Somaliland uga baxdo gobolka Sanaag.
  • In la tix geliyo shacabka u dhaqan gobolka Sanaag.
  • iyo In maamulka Puntland uu wax ka qabto arrimaha uu shacabku tabanyo.


Ururadan ayaa sidoo kale ugu dambayntii ku baaqay in shir weyne ay ka qayb galaan, siyaasiyiinta, culimaa’udiinka, dhallinyarada, haweenka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay isugu yimaaddaan kaas oo lagu lafa gurayo xaalada gobolka Sanaag.

Jaamac Yuusuf Jaamac

SBC Boosaaso

Advertisements