Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 15 April, 2007

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkiisii Gaashaandhigga, mudane Aadan Mire Waqaf.

Warsaxaafadeed uu galabta ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu ku sababeeyey xil-ka-qaadista Wasiirka, isaga oo sheegay in mudane Waqaf uu bixiyey Awaamiir khaldan oo jaahwareer abuura muddadii weftiga uu ka midka yahay ay joogeen degmada Dhahar.

Warsaxaafadeedku waxa uu intaa ku daray in Madaxweyne Riyaale xidhiidhka dhinaca isgaadhsiinta u jaray Wasiirka, isla markaana Madaxweynuhu la wareegey hoggaaminta ciidanka, maadaama uu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada.

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Aadan Mire Waqaf waxa uu ka mid yahay Wefti dhawr iyo Toban Wasiir ah oo galabta soo gaadhey magaalada Ceerigaabo, kadib markii ay ka soo baxeen degmada Dhahar oo uu shalay dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Warsaxaafadeedka xil-ka-qaadista oo faahfaahsan iyo warar kale oo ku saabsan go’aamo la filayo in xukuumaddu ka qaadato xaaladda Bariga Sanaag, kala soco halkan, Somaliland.org.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.