You are currently browsing the daily archive for April 17, 2007.


 -

Boosaaso:-Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta ee Maamul Goboleedka Puntland
ayaa waxaa lagu sheegey in Maanta oo ay tahay 14’ April weerar gardaro ah ay ku soo qaadeen Ciidamada Maamulka isku magacaabey Somaliland deegaanka Dhahar ee Gobolka Sanaag.

Warsaxafadeedka ayaa waxaa lagu sheegey in weerarkaan oo ahaa mid gar Darro ah ay ku soo qaadeen Fariisimaha Ciidamada Dawlad Goboleedka Puntland ee Gobolka Sanaag Ciidamo ka socda Deeganada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.

C/raxmaan Maxamed Bangax wasiirka Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Puntland ayaa Saxaafada u sheegey In ciidamada Dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo ka shaanaya shacabka Deegaanka ee Gobolka Sanaag ay ka saareen Ciidamadii Somaliland oo weerar ku soo qaadey shacabka iyo dadka Gobolka Sanaag.

Warsaxaafadeedkan oo uu saxaafada u akhiriyey wasiirka waxaa kale oo uu ku sheegey in Ciidamada Dawlad Goboleeka Puntland ay haatan Gacanta ku hayaan Deegaanada Gobolka Sanaag oo ay ku soo Duuleen Ciidamada Somaliland.

C/raxmaan maxamed Bangax waxaa uu sheegey in Ciidamada Puntland ay ka Gubeen Sadex Gaari oo tikniko ah ciidamada Somaliland, waxaa kale oo uu sheegey wasiirku in Shan Gaari oo Tikniko ah ay ku qabsadeen Dagaalkii Galabta dhacay ciidamada Puntland, wasiirku ma uusan xusin wax khasaaro ah oo soo gaarey dhinaca Ciidamada DG Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegey in Ciidamad Dawlad Goboleedka Puntland ay haatan sii raacdeynaynayaan Xoogagii Maanta weerarka ku soo qaadey Deegaanka Dhahar ee Gobolka sanaag.

War saxafadedkan ka soo baxay wasaarada Warfaafinta ee Punland ayaa waxaa uu Yimid ka gadaal markii Ciidamada Somaliland ay weerar ku soo qaadeen Deegaanka Dhahar ee Gobolka sanaag, ilaa iyo Haatana lama garanayo sababta Rasmiga ah ee ka danbeysey weerarkaas inkasta oo baryihii ugu danbeysey ay Imaanayeen wara sheegaya in Deegaanka Dhahar ee Gobolka Sanaag ay Damacsanyihiin Ciidamada Somaliland in ay weerar ku soo qaadaan.

Ilaa haatan ma jiraan Ilo dhex dhexaad ah oo ka warbixiyey khasaaraha dhabta ah ee uu dhaliyey weerarkii Galabta ka dhacay deegaanka Dhahar ee Gobolka Sanaag.

Qaar ka mid ah Isimada Dawlad Goboleedka Puntland aya galabta Bayaan ka soo saarey Magaalada Boosaaso Bayaankaas ayaa waxaa uu ku saabsanaa colaada ka soo Cusboonaatey Gobolka Sanaag Gaar ahaan Deegaanka Dhahar.

Mohamed ALi (Dalmar)
mohamedali11@gmail.com
HorseedNet.com


Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag bari ayaa markii ugu horeeyey ka hadashay dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ku dhexmaray deegaanka Dahar ee gobolka Sanaag ciidamada labada maamul ee Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo ay ku tilmaantay iney yihiin dagaalo lagu dhibaateynayo dadka halkaas ku dhaqan oo ay sheegtay iney yihiin kuwo nabada jecel.
Read the rest of this entry »

oo ka dhacay dagmada dhahar ee gobolka sagaan.
Badhan
(Dhahar)17.04-7 Mudaharaad looga soo horjeedo mamulka Somaliland ayaa maanta ka dhacay dagmada dhahar ee gobolka sanaag ee mamulka puntland

Banaanbaxaas ay soo qabanqaabiyeen waxgaradka ku dhaqan deegaankaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka gobolka, kan dagmada, isimada, odayaasha, ururada bulshada, haweenka, dhalinyarada, ardayda, iyo dadweyne aad u farabadan. Read the rest of this entry »


April 2007
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
Somali Heritage Center
Sun Fire Cooking