Ceerigaabo:- Shirkii maalmahan u socday maalmulka Somaliland iyo beesha Warsangeli ayaa fashil ku dhow kadib markii lagu kala dareerey goobtii shirka oo ay Somalilandtu keentey qodobo ka duwan kuwii lagu heshiiyey oo si weyn u mijo xaabinaya nabada, kana careysiisey odayaasha beesha Warsangeli.
Waxay beesha Warsangeli eedeyn kulul usoo jeediyeen Gudida Dagaalka Somaliland oo gar wadeen uu ka yahay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas iyagoo odayaashu ku eedeyeen inuusan nabad u iman ee uu wakhti lumis u yimi, kadib markii ay cadaatey warqadiihii laka sexeexi lahaa oo ku qoran qodoba aan lagu heshiin oo ugu horeeyey in xuduudka lasoo xiro iyo warar kale oo been abuur ah.
Odayaasha beesha Warsangeli ayaa ku dhawaaqey iney Gudidani ay tahay mid dagaal oo aysan ahayn Gudi nabadeed iyagoo intaa raaciyey in ciidamada heegan la geliyo.
Wefdiga maamulka Somaliland ayaa ka raali geliyey falka ay rabeen iney ku bedelaan qodobada heshiiska iyadoo madaxweyne ku xigeenku uu ku riixey falka Cabdi Xasan Buuni oo u dhashey Boorame oo sida la sheegey ka danbeeye daraafka qoraalka heshiisyada.
Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa beeleedka ayaa heegankii ugu sareeyey la geliyey kadib markii ay maqleen in maamulka Somaliland uu ka caga jiidayo heshiis nabadeedka loogu baaqey.
Qodobka la isku mari la’yahay waxa weeye xuduudkii isticmaarka oo la soo xirayo iyo ciidamada jooga deegaanka ee ka yimi Galbeedka.
Markii ugu horeysey waxay wefdiga Somaliland ogolaadeen in ciidamada laga saaro, kadibna dib bay uga noqdeen oo waxay madashii shirka dib ugu soo celiyeen in beesha warsangeli ay xuduudka soo xirto taas oo ka careysiisey beesha iyagoo u arkay in amar la siinayo.
Ugu danbeyn goor aanu la xiriirney goob joogayaal ku sugnaa shirka waxay noo sheegeen in xaaladu hada u dhowdahay dagaal marka la eego caga jiidka iyo dibin daabyada Somaliland, wax wada hadal ahina ma socdo oo sidaas lagu kala maqan yahay.
LaasqorayNet/Ceerigaabo

Advertisements