ayaa waxa uu si wayn ugu baahsan yahay Degaanada waawayn ee Gobolka sanaag

BOSASO: Xildhibaanada Golaha degaanka ee degmada Dhahar ayaa ka biya diidan Maamul goboleedka Puntland iyadoo maanta ay qaar ka tirsan Golaha degaanka Degmadaasi xilkii ay Puntland u heyeen ay iska dhigeen, Iyagoo u hanqal taagaya Maamulka Gobolka Sanaag laga yagleelay ee Maakhir state of Somalia.


Gudoomiyaha Golaha degaanka degmada dhahar ayaan isagu ilaa haatan ku qanacsanayn xubnahan diidan ianay xilka Maamul goboleedka Puntland ay sii hayaan hase ahaatee waxaa Magaalada Dhahar ee Gobolka sanaag laga dareemayaa soo dhawayn in taageero ay u fidinayaan Maamulka Maakhir sate,
Dhanka kale Maamulka Maakhir State ayaa wacdaro ka muujinaya Gobolka Sanaag waxaana arimaha Maamulka Gobolku ay Marayaan oo iminka laga ambaqadaa heerkii u wanaagsanaa, Iyadoo la filayo Goor Dhow in Maamulka Maakhir uu qaado talaabooyin lugu xoojinayo Sidii loo kasban lahaa shacabka loogana habaq tiri lahaa wax yaabo farabadan,
Maxamed Axmed Ciise
Sanaag Dhahar.com
geedi7@hotmail.com

Advertisements