oo boogaadin iy hamballyo u diraya wasiirada cusub ee dhowaan lagu magacaabay magaalada Badhan.

Dubai: Jaaliyada Maakhir State ee ku dhaqan dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay tahniyad u dirayaaan dhamaan golaha wasiirada cusub ee Maamul gobeleedka Maakhir State .


Jaaliyada oo tageera buuxda u haysa mamul goboleedka Maakhir iyadoo mudona ka soo shaqaynaysey sidii uu ku hirgeli lahaa maamulkani ayaa waxa farxad wayn u ah talaabada taarikhiga ah ee uu maamulku qaaday.

Jaaliyada Maakhir ee Imaaraadku waxay dareensan yihiin baahida xoogan ee ay qabaan dhamaan dadka dega Maakhir State iyagoo muddo dheer ku taabayey ayaa hada waxa u beryey waa cusub oo loo riyaaqo.

Jaalida beesha ee ku dhaqan dalka Imaraadku waxa ay isla garteen in la tageero Maamulka cusub kasoo ka haqab tiri doona baahidii balaadhnayd ee uu Shacabka reer Maakhir u qabay maamul si hagar la’aan ah ugu adeega danohooda.

Jaaliyadu waxa kale oo ay tahniyad iyo bogaadin u diraysaa Madaxwaynaha Maamulka cusub HE Pres. Jibriil Ali Salaad, waxayna u dardaarmayaan dhamaan masuuliyiinta cusub ee Maamulka in ay si dacaad ah ugu shaqeeyaan dalkooda iyo dadkooda, kana ilaaliyaan waxa kasta oo tafaraaruq u keeni kara.

LaasqorayNet/UAE

Advertisements