H.E. Jibriil Ali Salaad

                                                   H.E. Jibriil Ali Salaad

Badhan:- Wararka naga soo gaaraya Xarunta Maakhir ee Magaalada Badhan ayaa tibaaxaya in maanta uu mudane madaxweyne Col. Jibriil Cali Salaad, uu golihiisa Paarlamaanka u sheegey in wada hadalka u dhexeeya isaga iyo dowlada Federaalka meel wanaagsan uu marayo haatan.”wada hadalka anaga iyo dowlada waa mid aan sir ahayn, meel fiican ayuuna marayaa” ayuu yiri Mudane Col Jibriil Cali Salaad.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladaha dariska ah uu sidoo kale diyaar u yahay wada hadal dheeraad ah, sida isku afgarashada xuduudaha, dhaqaalaha iyo wixii la mid ah. Isagoo sheegey in waxa Maakhir loo dhiseyba ay tahay in nabad iyo hormar la helo.

Madaxweynaha ayaa wuxuu kaloo ka Hadley bisha barakeysan ee Ramadaanka nagu soo fool leh, iyo sidii looga faa’ideysanlahaa, looguna diyaar garoobi lahaa. Madaxweynaha ayaa xusey in loo baahanyahay dadku in ay la shaqeeyaan.

Xigasho: Dhahar.com

Advertisements