Madaxweynaha Maakhir State Wasiirona lagu magacaabay…

 Badhan : Waxa maanta nasoo gaadhey wareegto cusub oo ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamul goboleedka Maakhir State , kaasoo ay ku qoran yihiin sadex xoghaye ( wasiir) , iyo Taliyaha Nabad sugidda ,kuwaas oo kala ahaa sidan :

1.Sidiiq Cabdi Miisaan : Xoghayaha Macdanta & Biyaha ee MSS.
2. Cali Siciid Cismaan Qodax : Xoghayaha Ganacsiga & Wershedaha ee MSS.
3. C/raxmaan Siciid Axmed : Xoghayaha Iskaashiga & Xidhiidhka caalamiga ah ee    MSS.
4. Col. Cali Maxamuud Nuur ( Cali Sanaag): taliyaha ciidanka nabad sugidda ee MSS.
waxana ku saxiixnaa madaxweynaha Maamkhir State Col. Jibriil Cali Salaad.
waxan wareegtadani ka dhigaysaa xubnaha xoghayayaasha (wasiirada) toban , iyadoo la filayo in dhowanna rag kale xilal kala duwan loo magcaabo.

Advertisements