Xingalool: Madaxweynaha maamul goboleed Maakhir State of Soomaaliya Col. Jibriil Cali Salaad oo shaqo u jooga magaalada Xingalool mar uu wareysi siiyey wakaalada wararka ee Dhahar.com ayaa wuxuu ugu baaqey maamulada S/land iyo Puntland iney nabadgalyada iyo karaamada dadka reer Sool ay xaq dhowraan kuwaasoo ku kor dagaalamay magaalada Laascaanood, wuxuuna u sheegay in ay meel ku dhac ku tahay qowmiyada reer Sool. 

  Dhegeyso Madaxweynuhu wuxuu sheegay dad reer Laascaano iney yihiin dadkii nabada u horseeday Soomaali, umada Soomaaliyeedna ay yihiin kuwa Qabaa’ilo ah oo aan cidna cidkale ku soo duuli karin, Dagaalna aan cidna wax ka faa’ideynin. Col Jibriil Cali Salaad ayaa wuxuu kaloo ka hadlay Arimaha Maakhir State iyo meesha ay mareyso….. Wareysiga waxaa soo diyaariyey Wariyahayaga Maxamed Axmed Ciise….


HALKAAN KA DHAGAYSO WAREYSIGII

Advertisements