Laasqoray:- Warshada kaluunka Soo saarta ee Degmada Laasqoray Fadhigeedu yahay ayaa Dhawaan la filayaa inay si toos ah u soo saarto kaluunka, taas oo haatan lagu soo kordhiyay Qalab Casri ah, Shaqaalaha Warshada oo ay ka mid yihiin Shaqaale Ajaanib ah ayaa hawshaas Gacanta ku haya.

Maxamed Axmed Sh. Saalax (Haydhtuulo) oo ka mida Masuuliyiinta sar sare ee Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa isaga oo u waramaya Shabakada laasqorayNet- shaaca ka qaaday in dhawaan la furi doono Warshada kaluunka ee laasqoray isga sheegay in dhamaan Agabkii warshada ee lagu shaqayn lahaa uu yaala Gudaha warshada,waxana uu aad ugu cel celiyay Mudane Haydhtuul Furitaankii warshada inuu dhaw yahay.
 

Haydhtuulo waxa kale uu intaas ku daray in Warshada lagu soo kordhiyay Qalab Cusub oo hore kaas oo ay ku macneeyeen Ganacsatada Hawshan warshada wadaa in looga Goleeyahay haswhada warshada oo aan loo baah nahay in Haba yaraatee ay wax yari is hortaagaan.
 

“Furitaankii Warshada waa uu dhaw yahay Shaqaalihii Ajaanibka ahaana waanu dalbanay oo way joogaan kuwaas oo socdsiin doona Hawlaha warshada, Waxaanuna warshada ku soo kordhinay Isgaarsiinta tellefoonada oo dhamaan Wasrahada oo dhan la galin doono, kuwaas oo Fududaynaya habsami u socodka Warshada” Saas Waxa yiri Maxamed Axmed Sh.Saalaxa oo kamida madaxda Sar Sare ee Tuna laasqoray.
 


 

Shaqaalahaas Ajaanib ka ahi waxay had iyo jeer gacanta ku hayaan Ka shaqaynta Warshada iyagoo Khibrada Dheerada u leh Soo saarida kaluunka.
 

Mar aan waraystay Mid ka mida Shaqaalaha Ajaanibka aha ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay Joogitaan Warshada Laasqoray isaga oo intaas raaciyay in aad loo soo dhaweeyay markay yimaadeen Warshada iyo Amaan gaara u soo jeediyay Shacabka ku dhaqan Degmada Laasqoray.
 


 

Qasaacii kaluunka Lagu Moor garayn jiray ayaa isna Diyaar ku ah Gudaha Warshada, Qasaacaas oo isugu jira Yar yar iyo Waa wayn.
 


 

Kuwaasi oo waa qalab Casri ah oo soo saara Kaluunka
 


 

Furi taanka Warshada waxay timi ka gadaal markii dhawaan ay la wareegeen Ganacsato cusub oo aan ahayn kuwii hore warshada u maamuli jiray,ka dib markii uu Khilaaf Baahsani soo kala dhex galay Kuwii hore warshada u maamuli jiray kuwaas oo Door biday inay gacantooda ka wareejiyaan warshada, oo ay Maamulka warshada ku wareejiyaan Ganacsato kale oo hawshaas Dhaqaajin kara.
 


 

Intii aan aan Gudaha warshada Kaluunka Joogay waxaan aad ula yaabay Hangaro aad u waa wayn kuwaas oo markaan Dadka waydiidyay lay sheegay inay yihiin Talaagadaha Qaboojiyaal ah kuwaas oo loogu tala galay in lagu kaydiyo Kaluunka.
 

Dhanka kale waxa jira Askar Police,oo iyagu  jooga Gudaha Warshada kuwaas oo lay sheegay inay sugayaan Amaanka Warshada Maada ay warshada joogaan  Shaqaale Ajaanib ah, oo loo baahan yahay in Amaankooda aad looga taxadaro.
 

Askartaasi waxay gaaf wareegayaan Xayndaabka warshada kuwaas oo lasocda Dhaq dhaqaaqa qof kasta oo soo gala Gudaha warshada, taas oo ah Horumar fiican oo la ga gaadhay xaga Amaanka
 


 

Mid ka mida Matoorada Horta leh ee warshada lagu soo kordhiyay kuwaas oo  ah kuwa Korantada Dhaliya, waxa xusid mudan in Qalab aad u fara badan oo Cusub lagu soo kordhiyay Warshada kaluunka ee Laasqoray, maadaama ay warshadu in badan Fadhida oo aan mudo laga shaqayn taas oo lays oran karo hadii aan qalabkii Hore wax laga Bediln habsami usocda Shaqada ayay wax u dhimaysaa.
 


 

Cutub ka mida Matoorada Dabka Dhaliya  oo si toosa Shaqadoodii u wata,iyo Shaqaalihii ka shaqayn jiray oo Kaanta Roolaya Matoorka.
 


 

Muuqaalka Guud ee Aqalka Warshada iyadoo uu Gurigaasi yahay Mid aad u Qorux badan oo ay jiraan Qolkasta Qalbka  Qoboojiyayaasha.
 


 

Matoor Cusub oo warshada lagu soo Kordhiyay,kaas oo wax badan ka tari doon habsami u socodka warshada.
 


 

Engineer ka mid ah Engineerada Wershada dib u habeenaya
 


 

Gaadiidkii Warshada oo Taabulaya Alaab Hor leh oo Warshadu leedahay kuwaas oo Dalka Dibadiisa laga keenay.
 

Jaamac Ayaanle feyte
 

Dhahar.com- Laasqoray City
 

feyte37@hotmail.com

Advertisements