Khartuum:- (LaasqorayNet) Ururka aradayada Maakhir ee waxa ka barata jaamacadaha iyo macaahida sare ee wadanka Suudan ayaa hanbalyo diiran u dirayaa shacabka reer Maakhir iyo umada islaamka guud ahaan, hanbalyadan oo ku began munaasabada ciidka Soonfur, maamulka ururka ayaa munaasabadii salaada ciid kadib waxay tahniyad iyo bogadin udireen dhamaan aradada wax kabarta wadankan Sudan iyo shacb weynaha Soomaaliyeed.
Hanbalyadan iyo salaantan ayaa waxa barbar socday talooyin ay usoo jeediyeen umada Soomaliyeed guud ahaan iyo arada gaar ahaan waxana kamid ahaa talooyinkan:-

  • In lataageero midnimada iyo nabada.
  • In lataageero dib uheshiisinta shacabka Soomaaliyeed.
  • In la joojiyo colaadaha iyo dhibaatooyinka kajira gobolada wadanka Soomaaliyeed.
  • Laga qeyb qaato horumarka bulshada.
  • In ardada waxkabarta debeda ay u ololeeyaan sidii uwadankau unoqon lahaa wadan dhisan ayna kajirto nabda iyo xasilooni oo asaas u ah horumarka Bulshooyinka.

Dhanka kale waxa waxa xusid mudan in wadanka suudan ay joogan ardayda Soomaaliyeed ee ugu badan oo wadanka dibadiisa wax kabarta.

Munaasabadii ciidka ayaa badi ardaydaasi ku ciideen si farxad leh waxayna isugu soo bexeen fagaarayaasha magaalda khartum oo ah meesha ay joogan ardada ugu faraha badan.

Maxamed siciid /khartum

Advertisements