Degmada Hadaaftimo ayaa taas waxaa u dheereyd in uu deegaanka ku hareersan uu ahaa mid cagaar ah oo aad dareemeysid in Raxmadii Rabi ay kobcisey cagaarka dhulka taas indhaha raaxa u aheyd.
Sidoo kale Dhamaan Degmooyinka Maakhir, sida Dhahar, Ceerigaabo, Badhan, Laasqoray, Buraan, Xingalool, Galgala ayaa si wanaagsan looga ciidey, ciidan Soon fura ayaa waxay timi iyadoo uu dhulku barwaaqo yahay dadkuna ay doogeysteen raxmadii Rabi  oo ka da’day dhul badan.
Waxaa intaa u dheeraa dadka Reer Maakhir iney niyad wanaag ka muujiyeen xaaladooda deegaan ahaan iyagoo dareensan amniga Rabigood ku maneystey ugana mahad celinaya Ilaahey galadeysigan.
Waxayna Rabigood ka baryayeen in Ciidaas ciideeda kale uu Rabi weyn Nabadooda u daayo, camalkoodana ka aqbalo.

[Daawo Sawiradii Ciida]








LaasqorayNet/
Hadaaftimo

Advertisements