Muqdisho, Somaliya (Calanka.com)

Maamulka Soomaalialand ee u ololeynaya ka go`ida Soomaaliya inteeda kale ayaa ku ugu baaqay dalal Carbeed in xafiisyo diblumaasi ah ka furtaan Hergeysa.Waxa uuna baaqaani ka soo yeeray xildibaano ka tirsan maamulka Soomaaliland oo iminka booqanaya dalka Imaaraadka carabta.Sida laga soo xigtay wargeeyska Alkhaleej xildibaan Naasir Nagi Cali oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliland ayaa ku booriyay golaha iskaashiga dalalka Khaliijka in gudiyo u diraan Soomaaliland si ay u xaqiijiyaan hoirmarka ka jira iyo habka maamul wanaagga.Xildibaanka reer Soomaaliland ayaa ku adkeeyay dalalka carabta in ay u istaagaan sahminta sida macquul u tahay in xafiisyo ay ka furtaan Soomaaliland .“Waa muhiim in carabta ay ka qeyb qaataan hormarinta howlaha dib u dhiska ee ay waddo Soomaaliland “, sidaa waxa yiri xildibaan Naasir . Soomaalialnd oo sheegata in ay ka go`day Soomaaliya inteeda kale ayaa dooneysa sidii ay u heli laheyd aqoonsi caalami ah oo ay ugu jirto iminka dadaal xogan .

Maryama Xuseen Axmed
seymuun@hotmail.com

Calanka.com: – Isha wararka xaqiiqda

Advertisements