(Dhahar.com)Warar aanu ka helnay illo lagu kalsoon yahay oo laga helayo Addis Ababa ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Miles Zenawi uu wado qorshe uu ku soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, halkaasoo ay ku sugan yihiin Madaxda ugu sarreysa Dowladda.

Miles Zenawi; ayaa waxaa la sheegay in socdaalkiisaan uu ku wehlin doono Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Seyoum Mesfin, Wasiirka Dalxiiska Maxamuud Dirir iyo xubno kale oo wasiirro ah, waxaana lagu wadaa inay soo gaaraan manta oo Axadda ah.


Socdaalkooda ayaa lagu sheegay inay ku doonayaan inay ku dhexdhexaadiyaan Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Geeddi oo khilaafkooda uu gaaray heerkii ugu xumaa, iyadoo la sheegay in Miles uu kula hadlay labada mas’uul khadka taleefoonka uuna ka dhaadhiciyay inay joojiyaan xifaaltanka siyaasadeed ee u dhexeeya.


Warar hore oo soo baxayay ayaa waxay sheegayeen in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia uu u imaanayo Baydhabo dhexdhexaadinta Madaxda ugu sarreysa Dowladda, balse ay taasi noqotay mid aan dhicin, waxaase socdaalka ku soo biiray Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Miles Zenawi.

Booqashada Zinawi ee Baydhabo ayaa waxay muujinaysaa khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Yuuuf iyo Ra’iisul wasaare Geeddi inuu gaaray heerkii ugu khatarsanaa oo uusan waxba ka qaban karin wasiir ka tirsan Dowladda Ethiopia, balse uu xiligaan tijaabinayo xurmada ay u hayaan madaxda dowlada somaliya .

Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaa waxay labaduna yihiin saaxiibbo si weyn ugu dhow Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Miles Zenawi, iyadoo khilaafkooda haddii uu noqdo mid xallismi waaya aan la garanayn cidda uu sida tooska ah ula safan doono Miles Zenawi oo ay ciidammo ka joogaan gudaha Somalia.

 Maxamed Cali Jaaked

Madaxa wararka dhahar | Mogadishu

Advertisements