Dagaal aad u qadhaadh ayaa Saaka hiirtii  waa bari dib uga qarxay Duleedka Magaalada Laas-caanood

lasanod

Laas-caanood:- Dagaal  aad u qadhaadh ayaa saaka hiirtii waa bari dib uga qaraxay Duleedka Magaalada Laas-caanood ee xarunta G/ Sool,dagaal kaas oo sida la sheegay ay isku hirdiyeen Labada Ciidan oo kala taageersan Maamulada S/land iyo Puntland oo mudooyinkanba isku hor fadhiyay Duleedka magaalada laas-caanood.

Dad Reer Guuraha oo ku sugan goobta uu Dagaalkaasi ka dhacay ayaa LaasqorayNet- u sheegay inuu Dagaalkaasi ahaa mid aad u xun,in kastoo anay dadkaasi sheeegin wax khasaare ah. War bixintu waxay intaas ku daraysaa in Duryanka madaafiicda laga maqlayo Gudaha Magaalada Laascaanood iyadoo dhamaan Dadka ku dhaqan magaalada ay ka qaxeen,ka gadaal markii ay Rasaas wiifta ah soo gaadhay Dadka ku sugan gudaha Magaalada Laas-caanood.Dhanka kale warar goos goosa oo naga soo gaadhay isla Magaalada Laas-caanood wayax tibaaxayaan in Gudaha magaalada ay ka socto rasaasr teel teel ah taas oo sida la sheegay ay is dhaaf sanayaan Malayshiyo beeleedyo taabacsan Maamulka S/land iyo Ciidan Boolis ah oo ka tirsan Mamaulka Puntland, dhamaan Goobaha Ganacsiga ayaa xidhan saaka iyadoo dadka oo dhami ay aad uga walaac san yihiin xiisada Colaadeed ee ka Curtay Gobolka Sool.Warkaas wixii ku soo kordha ha moogaan LaasqorayNet-

Advertisements