Laascaanood (AllPuntland)- Waqooyiga magaalada Laascaanood ayaa waxaa Saaka ka bilowday dagaalo xoogan oo ay soo qaadeen Maleeshiyaadka Maamulka Somaliland, ayadoo dagaaladaasina warar iskhilaafsan ka soo baxayaan. Wararka ayaa sheegaya in ay magaaladu kacsan tahay isla markaana ay dadweynaha magaalada Laaascaanood ay dhagxaan ku tuurayaan qaar ka mid ah ciidamo beeleed deegaanka gobolka Sool u dhashay oo taageersan Somaliland oo yimid gudaha magaalada , ayadoo ay jiraan dagaalo xoogan wali soconaya.

Ciidamada daraawiishta ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa wararku sheegayaan in ay ka dagaalamayaan meelo ku dhow dhow daafaha magaalada Laascaanood oo ay dagaaladu ka socdaan.

Wixii faahfaahin ah kala soco AllPuntland.com haddii ALLE idmo.

Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland

Advertisements