Maamulka Puntland ayaa ku Eedeeyay Dowlada Ereteria Iyo Kooxihii Maxakmadaha Ee La Caydhiyay Koonfurta Somaliya in ay yihiin Kuwa maamulka Somali land Ku Soo Duduucaya In ay Weerar Ku Qaadaan Punt land ayna Khal khal Galiyaan Amaanka Iyo Xasilonida ay Punt land faraha Adag Ku Haysato Iyo Taageerada ay la garab taagan tahay DKMG.

Madaxweynaha Punt land Jen: Mahamud Musse Hirsi Cadde oo Maanta Shir Jaraa’id Ku Qabtay Magaalada Maxada Punt land ee garowe ayaa waxa uu shrikaasi jaraa’id Uu Madaxweyne Cadde Uga Faalooday dagaalkii Dhexmaray Dhawaan Ciidamada Punt land Iyo maamulka La magic Baxay Somali land.

Madaxweynaha Punt land ayaa sheegay in Kooxihii Ka dagaalamay Duleedaka Laascaano ayaa ahyeen Intoo badan Kooxo Dowlada Asmara Ka Socday Iyo Maleeshiyaadkii Maxkamadaha Islaamka ee Looga Tabarta Roonaday Koonfurta Somaliya isaga oo madaxweynuhu waxbakama jiraan ku tilmaamay Hadalka Maamulka Somali land ee Ku Faanaya In ay Iyagu Aheeyeen Kuwii Dagaalka lagalay Punt land taasi oo uu Madaxweynuhu Cadeeyn Uga dhigtay Dukmantigoodii Iyo Sawiradoodii Ragii Ku Dhintay Dagaalka Oo ahaa Buu yiri Madaxweynuhu Kooxo Ajnabi ah iyada oo uu Madaxweynuhu Intaa sii Raaciyay In ay Jiraan kooxo oo iyagu Ka Soo jeeda Ajnabi oo Dagaalka Ay Punt land ay Ku Qabatay.

Madaxweynaha Punt land ayaa sidoo kale ka hadlay Khasaaraha Dagaalka oo uu shegay in uu yahay Mid Leh Dhimasho Iyo Dhawaacba oo labada Dhinac ay ka Simanyihiin Khasaarahaasi isaga madaxweynuhu iska ilaaliyay in uu Carabaabo Khasaaraha Punt land Soo gaaray, Madaxweynaha ayaa dhanka kale soo hadal qaaday Xaalada Amaan ee Laascaano ee Xarunta G/Sool oo Uu Madaxweynuhu Sheegay in ay haatan Dadkii Deegaanku ay Sameenayaan Mudaraadyo Balaaran Oo Ay ku Diidan yihiin Wax uu Madaxweynuhu ku Tilmaamay Rag Yar Oo Hungurigu Qaaday isaga oo Madaxwenuhu kalsooni balaaran ka muujiyayKhibrada Dagaal IyoTabarta ay Punt land u leedahay in ay Iska Difaacdo Cidksta oo soo fara galisa Goboladeeda.

Madaxweynaha Punt land ayaa mar wax laga weydiiyay in Masuuliyiinta Punt land ay ka Gabiyeen Howshii Ciidanka Siiba Isku Xirnaantii Iyo Howlgalintii Ciidamada Jiida Hore Ayaa Madaxweynuhu ku tilmaamay in ay tahay Mid Jirta waxna laga Qaban Doono.

Hadalka Madaxweynaha Punt land ayaa ku Soo beegmaya Iyada oo Punt land sheeganayso in ay Gacanta ku soo Dhigtay Ciidamo badan Oo Somali land ah, Kuwo Ajnabi ah iyo Tiknikadii ay ku Soo Dagaal tageen.

Waxaa ay sidoo kale Punt land ay tibaaxaday in aysan Harsan Doonin Inta taako ka mid ah Dhulkeeda uu cagaha kula jiro wax ay ugu yeertay Codowga Soo Duulay.

Mahamud Said Salaad
askar75@hotmail.com

Calanka.com: – Isha wararka xaqiiqda

Advertisements