refugees
Qoysas badan ayaa ka qaxay dagaalada Muqdisho

Dagaal la isku adeegsaday noocyada hubka waaweyn iyo yar yar ayaa xalay ka bilowday magaalada Muqdisho.

Halkan ka dhegayso wareysiga

Weriyaha BBC ayaa waxa uu sheegay in dagaalku ka dhacay agagaarka saldhiga Hawl wadaag, halkaasi oo ay ciidamo booliis ah degan yihiin.

Dagaalka ayaa waxa uu ku sii fiday dhawr xaafadood oo u dhaw goobta uu ka bilawday, waxaana markii danbe bilawday madaafiic la sheegay in laga soo ridayay dhinaca xaruunta madaxtooyada.

Xaafadaha ay madaafiicdu ku dhaceen waxaa ka mid ah Siinaay, Suuq Bacaad iyo Shiirkole, iyadoon la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay dagaalka iyo madaacfiicda.

Mid ka mid ah madaafiicda ayaa la sheegay in uu ku dhacay makhaayad dad ku casheynayeen oo ku taala Siinaay, ilaa sadex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliiska dawlada u qaabilsan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkaasi uu bilawday, islamarkaana lagu soo qaaday ciidanka booliiska saldhiga ay leeyihiin.

Sarkaalku waxa u sheegay in dagaalka ay ka danbeeyeen koox uu ku tilmaamay rabshad wadayaal.

Advertisements