Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxa maanta ka dhacay banaanbax xoogan oo looga soo hor jeeday joogitaanka ciidamada Soomaaliland ee gudaha Magaalada .

Banaanbaxyada ayaa bilaawday ka dib markii ciidamada Soomaalialnd ay soo galeen Suuqa ku yaal halkaasi taasi oo keentay rabshado xoogan oo sababtay in ciidamada Soomaaliland adeegsadaan rasaas.

Ilaa iyo hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalana waa uu ku dhaawacmay rasaas ay dadkaasi ku fureen ciidamada Soomaaliland, iyadoo midka dhaawacana uu halis yahay.

Xaalada magaalada ayaa haatan kacsan iyadoo dadka ay muujinayaan sida weyn ay uga xun yihiin joogitaanka ciidamada Soomaaliland oo shalay qabsaday Laascaano .

Waxaa lagu soo waramay in banaanka magaalada ay maanta ka dhaceen iska hor imaadyo inkastoo aan la helin qasaaraha ka dhashay .

Dagaalkii shalay ayaa sababay in Puntalnd laga qabsado Laascaano , iyadoo dagaalkaasina ay ku dhinteen illaa tobaneeyo qof oo labada dhinac ah .

Ma jiraan wax dadaalo ah oo lagu doonayo dajinta xiisada ka jirta Laascaanood, iyadoo Puntland ay waddo abaabul dagaal xoogan.

Maryama Xuseen Axmed
seymuun@hotmail.com
Xafiiska Calanka Ee Muqdisho

Calanka.com: – Isha wararka xaqiiqda

Advertisements