Bosaaso:- Dagaal aad u qadhaadha ayaa Salaadii duhur ka gadaal ka qarxay Xaafad ka mid xaafadaha magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari,dagaal kaas ayaa waxa uu u dhexeeyaa Kooxo dhalin yaro ah oo ka soo Jeeda Gobolka Sanaag,iyo Ciidanaka Booliska ee magaalada Bosaaso,Dagaalkaas ayaa sababay dhimasho 4-Askari iyo hal Ruux oo rayida oo ay haleeshay xabad wiifta ahi.
Dagaalkaas ayaa socda ilaa iyo haatan waxana la soo sheegayaa in Dhalinyaradaas ay Booliska Dagaalmayaan ay markii danbe galeen Aqal ay halkaas ka Deganaayeen iyadoo Ciidanaka Puntland uu Gurigii Hub Culus ku gaaracay oo Dhulka La simay.
Gurmada Taageersan Dhalinyaradaas ayaa soo gaadhay Goobtii uu dagaalkaasi ka socday waxan fooda lays daray Askar halaasi joogay iyadoo khasaare xoogle laga soo sheegayo Goobta uu dagaalkaasi ka socda, waxa xusid mudan in Ciidan dheerada Goobtaasi la soo dhoobay.
Sababta ka danbaysay inay fooda is daraan Dhalinyaradaas iyo Ciidanka Booliska ee Puntland ayaa lagu sheegay inay tahay kadib markii ay dhalintaasi go”aan ku gaadheen inay Jeelka Khasab kaga soo saaran rag u dhashay Gobolka Sanaag oo dhawr casho kadib maamulka P/land Gacanta ku soo dhigay iyagoo ku til maamay inay maleegayeen Falal amaan daro.
Xaalada ayaa u muuqta mid uu xaalku isu bedeli karo Dagaal Beeleedyo ka dhasha arintaas ka gadaal markii uu Dagaalkaas maanta ku dhintay Hal Askari oo ka soo Jeeda Beesha Cismaan Maxamuud,oo la sheegayo inay dhankooda wadaan Abaabul Dagaal oo xoogan.
Dhamaan magaalada Bosaaso ayuu saamayn ku sheegay Dagaalkaasi iyadoo aanay jirin wax waan waana oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo Xiisadaas Dagaal ee ka curtay Gudaha magaalada Bosaaso.
Warar haatan isna soo gaadhay war qabadka Shabakada LaasqorayNet- ayaa waxa uu tibaaxayaa in Dagaalkii sii xoogaystay.

Jaamac Feyte
LaasqorayNet- Bosaaso

Advertisements