Waxaa maanta oo ah OC/18/07 magaalada RAB oo ilaa 20KM u jirta xarunta maamul goboleedka Maakhir State of somali ee badhan kadhacay iska hor imaad u dhexeeya laba beelood oo halkaa wada dega ilaa labo ruux ayaa ku geeriyooday midkalena waa ku dhaawacacmay.

Wararku waxay intaa ku darayaan in hada abaabul lagu hor joogsanayo dhibaatada halkaa kataagan uu kasocdo xarunta maamul goboleedka maakhir.Mar aanu isku daynay inaan waxka waydiino taliyaha booliska aagaa ee maakhir ayaa waxa uu noo sheegay inay hada weli ku howlan yihiin sidii ay amaanka gacanta ugu dhigi lahaayeen.

Wixii warar dheeraada oo kasoo baxa waxaan idiinku soo gudbin doonaa wararka yaga danbe.

bahda maakhir.com

Advertisements