Ciidamada Puntland ayaa waxay maanta weerar ku qaadeen dhalinyaro joogtey guri ka mid ah guryaha Xaafada Laanta hawada iyagoo markii laga adkaaday booliiskii ay doonteen madaafiicda waaweyn kuwaasoo ku garaacay guryihii halkaas ku yaalay.

 

Dhalinyarada lagu garaacay madfaca ayaa waxay kasoo jeedaa deegaanka Dhahar ee gobolka Sanaag iyo magaalada Boosaaso asal ahaan, taasoo dhalisey in gurmad fara badan ilaa iyo haatan ay kusoo qul qulayaan magaalada gudeheeda oo ka yimid daafaha magaalada Boosaaso. Waxaa kaloo jira ciidamada gurmad ahaa oo kusocday magaalada Laascaano ee ka ambabaxay Sanaag in ay hada usoo weecdeen dhanka magaalada Boosaaso ayna soo gali doonaan magaalada gudaheeda mudada dhow…

 

Arintaa ayaa ka dambeysay todobaad ka hor mar laba nin oo ka mid ah ragii Majiyahan difaacay lagu soo xirey xabsiga Boosaaso, taasoo uu hada wada hadal socday. Dhalinyarada ayaa waxay go’aansatey in aysan wax dagaal ah qaadin ay wada hadal kusoo dhameeyaan, maadaama hada uu dagaalo wadanka ka jiro kale. Hase yeeshee ciidanka Puntland ee haatan aan la garaneyn sababta ay dagaalka ugu qaadeen xaafadaaas ayaa dagaalka ilaa iyo hada wuxuu ka socdaa magaalada gudaheeda.

 

 

Lasoco wixii ka soo kordho…kala socod DHahar

Advertisements