Djibouti

Kumanaan qof oo ku sugan dalka Djibouti, ayaa dibax ka dhigay magaalada Djibouti, iyagoo ka cabanayay amar caalami ah oo lagu soo xirayo laba ka mid ah saraakiisha sare ee Djibouti.

 

Halkan ka dhagayso

Dadwayne farabadan, dhowr ka tirsan wasiirada dowladda iyo hogaamiyayaasha diinta ayaa bannaanbaxa ka qaygalay iyagoo siday boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay kaga soo horjeedaan go’aanka dowladda Faransiiska oo ay ku tilmaameen mid cunsuriyad ku dhisan.

Xiriirka u dhaxeeyay labada dal ayaa sii xumaanayay tan iyo intii maxkamad ku taalla magaalada Paris ay amartay in la soo xiro xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo madaxa amniga ee dowladda Djibouti.

Booliiska, wuxuu sheegay in 30 ilaa 40 kun oo qof ay dibadbaxa sameeyeen, kuwaasi oo socod ku soo hormaray safaaradda Faransiiska ee magaalada Djibouti.

Abaabulayaasha, waxay ku qiyaaseen dadka ilaa lixdan kun oo qof. Goobaha ganacsiga ayaa xirnaa, iyadoo magaaladu u ekayd maalin shaqooyinku fasax yihiin.

Waxay dadku wateen sawirka madaxwaynaha, dharka iyo koofiyado cagaaran, iyadoo watay boorar ay ku qoran yihiin “faransiisku hana daayo fadeexadda, Sharafta iyo madaxwaynahayaga iyo dalkayaga sharaftiisaan ilaalinaynaa.

Khilaafka, ayaa salka ku haya xaakim Faransiis ahaa, Bernad Borrel, oo laba iyo toban sano ka hor ku dhintay Djibouti, kaasoo dowladda Djibouti ay ku adkaysanayso in uu is dilay, halka Farasiisku uu ku doodayo in la dilay.

Weriyayaashu, waxay leeyihiin dacwadda ayaa ah mid xasaasiyad sare ka leh dalka Djibouti, iyadoo Faransiisku uu halkaasi ku leeyahay saldhigga military ee ugu wayn ee uu ku leeyahay qaaradda Africa.

 

BBCSomali.com

Advertisements