Waxaa mucjiso la noqotay dhamaan dadweynaha la socdeey arintii ka dhacday magaalada Boosaaso, markii uu wasiir ka mid ah wasiirada MG Puntland, uu ku sheegay isagoo u waramaya VOA, Dhalinyaradii madfaca lala dhacaayeey, inay yihiin al-shabaab, isagoo ula jeeda ‘Argagixiso’ ku xidhan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

Waxaa moodaa inay caado noqoday in warka la afduubo oo ay sheekadu marayso, warqada gub, wariyaha dil, warka-na aas. Odayaasha beesha Dubeys/Warsangeli ee Boosaaso, ayaa eedayn usoo jeediyey Puntland, igoo yiri inay ka dalbadeen in Mudfaca laga joojiyo dhalinyarada si ay arinta si nabadgelyo ah ugu xaliyaan, naftana ku badbaadiyaan, laakiinse dhegaha laga xidhay. Waxayna Odayaasha Beesha dhalinyaradu codsadeen in si deg deg ah dhalinyaradaas loo soo daayo.

Maakhir.com 

Sawiro(Somaliweyn.com)







Advertisements