Mogadishu (HornAfrik Media) ALLE ha u naxariistee Kusimihii guddoomiyaha Idaacadda Shabelle Marxuum Bashiir Nuur Geedi ayaa maanta lagu aasay qabuuraha KM13 ee duleedka Caasimada Muqdisho.

Aaska Marxuumkaan ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Warbaahinta dalka, ganacsato, culuma udiin, odayaal iyo eheladiisa.

Guddiga difaca saxafiyiinta CPJ  ayaa si xoogan u cambaareeyay dilkii xalay fiidkii loo gaystay ALLE ha u naxariirstee kusimihii Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho Bashiir Nuur Geedi.

Warqad qoraal ah oo ay soo saareen guddiga difaaca saxafiyiinta ayaa si wayn u cambaareeyay toogashadii loo gaystay xalay bashiir nuure Geedi oo ahaa kusimihii Guddoomiyaha Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa ay hay’addu ku tilmaamtay dilakaasi mid waxuushnimo ah.

Tom Rhodes oo ah isku duwaha barnaamijka Africa ee ku u qaabilsan hay’addaasi ayaa ugu baaqay Dowladda fadaraalka kMG ah ee Somalia in dilkii loo gaystay Mas’uulkaasi ay ku samayso baaritaano dadkii ka dambeeyay islmarkaana ay cadaalada hor keento

Hase ahaatee tommy waxaa uu tacsi u ddiray qoysaskii uu ka geeriyooday bahshiir nuure Geedi iyo sidoo kale asaxaabtii uu ka tagay.

K/simaha guddoomiyaha shabakadda warbaahinta Shabelle Bashiir Nuur Geedi, ayaa xalay  kooxo hubeysan waxa ay ku dileen agagaarka gurigiisa oo ku yaala xaafadda Xamar Jadiid ee magaalada Muqdisho.

Ilaa hada lama garanayo kooxihii dilkaasi foosha xun gaystay.

Hay’adda xaquuqda aadanaha ee Dr ismaacil jimcaale ayaa walaac kamuujinasyay dagaalada iyo dilalka qorsheysan ee wali ka soconaya Magaalada Muqdisho oo uu ugu dambeeyay dilkii xalay loo gaystay kusimihii guddoomiyiha Idaacadda shabelle Bashiir Nuure Geedi.

Ururada bulshada raydika ayaa waxaa ay wax laga xumaado ku tilmaameen dagaalada xiliyada habeenkii ah ka dhacaya Magaalada iyo qaraxyada kooxaha iska hos jeeda ay isku adeegsadaan iyo kuwa kale ee ka dhaca goobaha qaar kood.

waxaa Hay’adda xaquuqda aadanaha ee DR ismaaciil Jimcaalle ay walaac xoogan ka muujinaysaa dilalka foosha xun ee qorshaysan ee xiligaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

hay’adda ayaa waxaa ay si wayn uga hadashay dilkii xalay loo gaystay Mas’uul katirsan suxufiyiinta soomaasliyeed ee caanka ah islamarkaana ahaa kusimihii Guddoomiyaha Idaacadda shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee waxaa soo badanaya amuuraha bini’aadanimo ee ka taagan Magaalada Muqdisho iyo waliba gobolada dalka Soomaaliya ,iyadoo ay isi soo taryaan cambaareynta ay jeedinayaan Hay’addaha u dooda xaquuqda aadanaha.

Advertisements