Faalo:- Xasuuqa ka socday magaalada Boosaaso tan iyo maalintii Khamiistii ahayd oo lagu bur buriyey guryo ay leeyihiin dad u dhashey Maakhir oo si naxariis daro ah loogu adeegsadey hubka culus iyadoo aan loo aaba yeelin ayaa waxaa weli ka aamusan maamulka Maakhir iyo weliba Odayaasha beelaha Warsangeli.
Maamulka Puntland waxa uu caalamka ka dhaadhiciyey inuu Boosaaso kula dagaalamey Argagixiso caalami ah isagoo ka iib geeyey dhiigii Warsangeli suuqa loo iib geeyo Argagixisada caalamiga ah..


Jawaab lagama hayo beelaha Warsangeli wax garadkooda, Maamulkii loo dhiseyna waxaad moodaa iney ka xishoonayaan iney wax jawaab ahba ka bixiyaan, hadey noqoto mid milateri iyo mad warbaahineedba.
Waxaad moodaa in masuuliyiinta beelaha Warsangeli aysan la socon siyaasada Puntland oo ah iney hesho caadifada caalamka reer Galbeedka ah ee kasoo horjeeda Argagixisada caalamiga ah…
Waxaad moodaa in odayaasha beesha Warsangeli iyo maamulka Maakhir ba uu shaabada Puntland ee ah in Wiilashii Warsangeli ee ka dagaalamay Majayahan iney yihiin Argagixiso ay aqbaleen, waayo aamusnaanta waxay ka mid tahay aqbilaada arin.
Waxaa kaloo jira in qaar ka mid ah odayaasha beesha Warsangeli ay celiyeen ciidankii Gurmadka ahaa ee ku wajahnaa Boosaaso iyagoo eegaya Danta guud ee Harti iyo iney bur burta caasimada Harti, taasina ma xumee laakiinse su’aasha taagan ee dhalatey ayaa waxay tahay Dantii Harti ama Dantii Warsangeli baa laga hor mariyey..
Waxaa kaloo jira iney odayaasha Warsangeli caadifadii Cade Muuse iyo beel weyntiisa ku dhaceen iyagoo ciidamo u diyaarshey iney Cade u hiishaan iyo weliba iney Dhulbahante ukala hiiishaan.
Arintaasi waa arin khatar teeda leh sababtoo ah marka loo hiilinayo Cade Muuse maa loo hiisho wiilasha Warsangeli ee lagu weerarey guryohooda iyagoo aan shaqo ku lahayn wax la yiraahdo argagixiso.
In dhulbahante loo kala hiishona waaba XAARAAN, in lasoo hadal qaado maahaba sababtoo ah Ninka Cali Geri iyo kan Naalaye Axmed waa TOL, hiilkey u baahan yihiina waxa weeye NABAD IYO CAANO LA DHEX DHIGO
Dadka ku andocoonaya in Cali Geri iyo reer Hawdba ay Somaliland wataan, dee kuwa kaleba waxay wataan quwad kale oo aan ahayn DHulbahante haba ahaadeen tol kale…
Wax garadka Warsangeli iyo maamulka Maakhir ha ogaadeen cawaaqib xumada ka imaan karta iney ka aamusnaadaan falalka ka dhacaya Boosaaso. WAANA IN SI DEG DEG AH WAX LOOGA QABTAA..
Wax garadka Warsangeli iyo Maakhirba ha ogaadeen cawaaqib xumada Shaabada ay Majeerteen iyo Puntlandba ku dhifteen wiilashii Warsangeli waayo berito waxaa imaneysa in Badhan la yiraahdo waxaa Argagixiso, in Dhahar la yiraahdo waxaa jooga Osaama Bin Laden, in Laasqoray la yiraahdo waxaa jooga Xasan Daahir Aweys, in Galgala la yiraahdo waxaa jooga Yusuf Indhacade.
Adeer caalamku ma oga deegaanadaasi cida joogta weliba kan reer Galbeedka, waxaana dheceysa sidii Baargaal oo markeekan loogu soo hogaamiyey.
Warsangeliyow yaan cayaarta la idinka badin oo xeelada siyaasadeed ee caalamka ka jira la iidinka hor marin..
Warsangeliyow yaan caadifad dhacdey waqtigeedii la idinku lug goyn oo dantiina la idinka jeedin.
Warsangeliyow OGAADA dantiinu waxay ku jirtaa inaad iskiin wax u qabsataan, oo sharaftiina ilaashataan oo magaciina ilaashataan idinkoo ka digtoonaanaya in aad is dhigtaan kawaanka ama saylada dadka lagu gawraco.
Faaladani maaha in Warsangeli laga adkaadey, mana aha calaala ee waxa weeye digniin ku socota iyo su’aalo haboon in laga jawaabo iyo weliba in midnimada WARSANGELI iyo siyaasadiisa ah iskaa wax u qabo la XOOJO.
Warsangeli Somaliland dan uma aha, Puntland Dan uma aha, Cidkalena iskaba daa, tii rajada laga sugayey ee Federaalka iyagii baa is cunaya, iskaba daa e iney wax yeelaan.
Waxaan si toos ah ugu baaqayaa Qurba Jooga Warsangeli, Wax garadka Warsangeli, Maamulka Maakhir iyo dhamaan bulsha Weynta Warsangeli iney

  • DANTOODA KA TASHADAAN.
  • Aayahooda ka gartaan.
  • Sharaftooda Difaacaan.
  • Sumcadooda Ilaashaan.
  • Dalkooda, Hantidooda, Dhulkooda Difaacdaan.
  • Caadifada iyo khiyaaliga iska ilaashaan.
  • Dhexdooda duubtaan iskana ilaashaan khilaafka.
  • Maamuladan Galbeed iyo Bari iska ilaawaan.

Ugu danbeyn waxaan Rabi ka rajeenayaan in xaqa dhamaanteen, Somali iyo beelba inawada tuso..
Raz Shirwac [ razshirwa@gmail.com ]

Advertisements