Ra’isul-wasaaraha DFKMGS, Prof. Cali Maxamed Geeddi, oo socdaal hawleed maalmahan ugu maqnaa Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, ayaa waxa uu barqanimaddii maanta dib ugu soo laabtay magaalladda Baydhabo, kadib, markii uu soo dhamaystay socdaal hawleed oo uu ku tegay Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.(Somaliweyn)

Soo-laabashadda Ra’isul-wasaare Geeddi, ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo aan  wax xal ah loo helin khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeya Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, oo gaaray heerkii ugu dambeeyey.

Ra’isul-wasaare Geeddi, oo si diiran loogu soo dhaweeyey  Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Baydhabo ayaa lagu wadaa inuu marti-qaad qaddo ah maanta ugu sameeyey Hotelka Peking  Wasiirro, Xildhibaanno iyo Madaxda Gobalka Bay.

Ma cadda inay Wasiirradda iyo Xildhibaannadda ku Aragtida ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ka soo qeyb geli doonaan Marti-qaadka Siyaasadeed ee uu Ra’isul-wasaare Geeddi dhigayo.

Dhinaca kale, ilo ku dhowdhow Ra’isul-wasaare Geeddi, ayaa waxay sheegayaan inuu Mas’uulku faahfaahin ka bixin doono Kulamaddii uu la soo yeeshay dhigiisa dalka Ethiopia, Meles Zenawi iyo Wakiilladda Caalamiga ee ka kala socday Ururradda Midiwga Afrika, Midowga Europe, iyo Diplomaasiyiinta shisheeyaha ee fadhigoodu yahay magaalladda Addis Abeba.

http://somaliweyn.com/pages/news/Oct_07/20Oct12.html

Advertisements