Dhulka Soomaalida ee Ethiopia
Dhulka Soomaalida ee Ethiopia

Jabhadda ONLF, ayaa sheegatay in ay dishay ilaa 140 ka tirsan ciidamada dowladda Ethiopia kadib markii ay dagaal ay sheegeen in uu qorshaysnaa ay ku qaadeen meel u dhow deegaanka Caado ee gobolka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia.

Halkan ka dhagayso


Sulub Cabdi Axmed, oo ah Guddoomiyaha Xarunta Dhexe ee ONLF, ayaa u sheegay weriyaha BBC-da Cabdiraxmaan Koronto in ay ciidamada Ethiopia ka dileen tiradaasi, iyaga ay ka dhinteen tiro ka yar toban.

Gobolka Soomaalida Ethiopia
Dhulka Soomaalida ee Ethiopia

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka degmada Dannood ee gobolka Wardheer ee ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia, Mahad Xassan Muxumed (Tuke), ayaa beeniyay sheegashada ONLF-ta.

Halkan ka dhagayso

Wuxuu sheegay in dagaalku uusan u dhaxeynin ciidamada Ethiopia iyo kuwa ONLF, balse maleeshiyo beeleed ay iska hor yimaadeen kuwa ONLF, oo laga dilay buu yiri 35 ka mid ah dhowr maalmood oo ay iska horyimaadeen.

Wuxuu xusan in dhinacooda ay ka dhinteen afar qof, oo ka tirsan maleeshiyada deegaanka ee la dagaalamaysay ONLF.

 

 

Advertisements