Islamarkaana Ugu Baaqay Bulshada SSC Shir Wada Tashi In Lays Kugu Yimaado.

Garaad Jaamac

Garaadka guud ee Beelaha ssc ayaa maanta qoraal uu saxaafada ugu talo galay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay afnugaal.com,ayaa waxaa uu garaadku ugu baaqay Maamulka Soomalinad in ay Ciidamadooda kala baxaan Deegaanka SSCayn,sidoo kale wuxuu bulshada deegaanka ugu baaqay in ay isku yimaadaan shir wada tashi oo ka dhici doona Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.

BISMILLAAHI RAXMANI RAXIIM

KA: GARAD JAMA GARAD ALI.
21/10/2007
KU: CIDII AY KHUSAYSO.

Ujeedo: Baaq.

Kadib markaan eegay xaalada colaadeed ee ka jirta gobolada Sool, Sanag iyo Cayn, markaan u kuurgalay dareenka dadwaynaha iyo xiisada colaadeed ee ka aloosan deegaamadaa. Muuqashada ay muuqato in uu bilaabmo dagaal lagu riiqmo oo dhiig badani ku daato lagana yaabo inuu goboladan oo dhan ku fido.

Waxaan ku baaqayaa Qodobadan:

  1. 1.In ciidamada maamulka Somaliland ay ka baxaan gobolada SSCayn.
  2. 2.In Maamulka Puntland ay joojiyaan abaabulka dagaal si loo badbaadiyo dhiig daata.
  3. 3.In Issimada iyo waxgaradku isugu yimaadaan magaalada Buuhoodle.
  4. 4.In laqabto shir dagdaga oo dadyowga SSCayn ay aayahooda kaga tashadaan.
  5. 5.In midnimada SSCayn ay muqadas tahay.

Wabilaahi towfiiq

Garaad Jaamac Garaad Cali

Advertisements