oo baaq kasoo saartey mashaqadii Deegaanka RAD

London:- Jaaliyada beesha Warsangeli ee Cariga Ingiriiska oo gudideedu isugu timi shir deg deg ah oo ka dhacay magaalada London ayaa waxay baaq kasoo saareen mashaqadii ka dhacdey deegaanka RAD oo ay iskaga hor yimaadeen dad walaalow oo isku beel ah.
Jaaliyada ayaa waxay ku baaqdey in si nabad ah arinka RAD lagu dhameeyo oo dadka walaalaha ay aysan isku layn wax lagu dhameyn karo nabad iyo afgarad.
Baaqii Jaaliyada waakan.
Ku. Suldaanka Guud ee Beesha Warsangeli.
Ku. Wax garadka beesha Warsangeli.
Ku. Culaamu’diinka Beesha Warsangeli.
Ku. Ururada ka shaqeeya Nabada iyo deegaanka.
Ujeedo. Baaq Nabadeyn..
Hadii aanu nahay Jaaliyada Beesha Warsangeli ee Cariga Ingiriska waxaanu Baaq nabadeed usoo jeedineyna labadii Beelood ee walaalaha ah ee ay dirirtu ku dhex martey RAD iney si walaaltinimo ah khilaafkooda u dhameeyaa.
Hadii Aanu nahay Jaaliyada Beesha Warsangeli ee Cariga Ingiriiska Waxaanu ugu baaqeyn waxgaradka Beesha Warsangeli, Suldaanka Guud, Caaqilada iyo Nabadoonada beelaha Warsangeliba iney si cadaalad ah oo nabad ah ku dhameeyaan khilaafka beelaha walaalaha ee isku dirirey deegaanka RAD.
Hadii aanu nahay Jaaliyada Beesha Warsangeli ee Cariga Ingiriiska waxaanu ugu baaqeyn bulsha weynta Warsangeli iney iska ilaaliyaan wax alaale iyo wixii nabad wadanka wax u dhimaya, khilaafaadkoodana ku dhameystiraan si cadaalad ah oo Nabadi ku jirto.
Ugu Danbeyn Waxaanu Ilaahey ka baryeynaa in Dhamaan dadka walaalaha uu khilaafkooda yareeyo, wanaagna ugu bedelo . Aamin.
Gudoomiyaha Jaaliyada Beesha Warsangeli
Xasan Maxamed Saalax [Xasan Soomaali]
London, UK

Advertisements